Magacyada rag maxkamada loosoo taagay afduubkii samofalayaasha

Published: July 6, 2012

Kn: Magaalada Gaarisa waxaa maanta Maxkamd la horkeeneye sedex nin oo loo heysto afduubkii afar shaqaalo oo markii dambe lasoo badbaadiyey.

Halkani waxaa ah magacyadooda

Axmed Xassan
Xassan Cali
Cabdiqaadir Cumar

Waxyaalaha lagu heysto waxaa kaloo ka mid ah in ay xubin ka yihiin Alshabaab, islamarkaasina heystaan hub halis, iyo in ay dhaawaceen qof ka mid shaqaalaha hey’adda NRC (Norwegian Refugee Council).

Dhamaan waa ay dafireen eedeymaha lagu soo eedeeyey, waxaana dacwadooda dhagaysanaya xaakim lagu magacaabo John Onyiego.

Xisbiga Siyaasiga ah ee Hubeysan ee Raaskaanbooni iyo ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa la haystayaasha soo furtey.

Ragani ayaa lasoo qabtay shalay markii sida la sheegey ay isku dayeen in ay afduubtaan gaari rayid ah oo marayay meel Jubbada Hoose ka tirsan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Norway “Kenya kuma taageereyno qaadashada dhul Soomaaliyeed”
Way dhibanyihiine u dhimriya!
Olole nadaafadeed oo ay qeyb ka yihiin ciidamada oo ka biloowmey Kismaayo
Labbo qof xoolo dhaqato ah oo lagu diley suuqa xoolaha Kismaayo
Xaawo Wiilo iyo seeygeeda Faarax Feyte ayaa dil ka geystey Kismaayo