Safiirka Soomaaliya ee K/Afrika oo lugtii ugu dambeeyey kusoo maray East London

Published: July 11, 2012

Kn: Danojire kii ugu horeeyey oo Koonfur Afrika loo magacaabay ayaa socdaalo dalka oo dhan uu ku marayay kusoo gunaaanaday magaalada East London, wariye Soowdo Xusseen Maxamuud oo ka tirsan idaacada VOA oo safiirka la safraysay ayaa warbixintan ka diyaarisey socdaalka Sayid Shariif.

Socdaalkani aadka u dheer ee safiirka cusub ee Soomaliyeed una fadhin doona wadankani koonfurta africa Sayid Shariif Hassan ayaa haatan gabagabo kudhow kadib markii uu booqday magaalooyinka ugu waaweyn wadanka south Africa oo umada soomaaliyeed ay ku noolyihin ,,
Booqashadani oo ah tii ugu horeysay ee Safiirka kusoo gaaray wadankani uu u fadhin doona ama uu matali doono dowlada soomaliya, Isagoo safiirka cagta soo mariyay maagaalooyinka sida Johannesburg oo ah meeshii uuba wadanka kasoogalay kadibna uu soosalaamay shacabka soomaliyeed ee Pretoria ileen magaaladani ay noqondoonto xarunta safaarada maadaamaa ay tahay meesha looga arimiyo dalka ….

Kadib magaalooyinka Rustenburg oo ah gobolka North West iyo Polokwane Limpopo,Safiirka ayaa ugu danbeyntii soo gaaray gobolada Westen Cape iyo Eastern Cape , maagalada Cape Town-na ay tayay meeshii uu kasoo bilaabay isla markaana laba habeen uu halkasi ku howday,,
Magaalada Port Elezabeth waxay katirsantahya gobolka Eastern cape waxaana ku nool shacab soomaaliyeed uu aad u farabadan ganacsigoodana u janjeero dhanka Location-ka ama meelaha tuulooyinka ah oo laga furto dukaamada cuntada lagu iibiyo..

Soodhaweyn aad u baalaraan ayay soo bandhigeen umadan oo aad ugu hamuun qabto in ay helaan sharci maadaama ay soomaaliyeed wadankaani joogta ah badankoodu yihiin qoxooti aadna u adagtahay in uu qofku helo sharci aad awood u leh madaamaa ayuusan qofka kabixi Karin wadanka gudahiisa xeerka dalka aya dhigaa in qaxootiga xaq u leeyahay helista dhalosho wadanka hadii ay degenyihiin in kabadan 5 sanadood..

Xaflad aad u qiimo badan siweyna loosoo agaasimay ayaa lagu soo dhaweeyay Safiiska Sayid sharifka waxaana kasoo qeyb galay umada qeybaheeda kala duwan sidii laga wada sugayayna uu Sayid shariif hadal aad u qiimo badan uu soo jeediayay taasi oo uu qofwalbaa uu ku qancay…
Mar hadii safiirka iyo martidii lasoctay oo aan aniguba kamid ahaa ay yimaadaan magaalada Port Elezabeth oo ah xarunta looga arimiyo gobolkan qorax u dhaca Cape ayaa waxaa lakama maarmaan noqotay in iyana lugta lasoo mariyay magaalo xeebeedka East London oo ktirsan isla gobolka EASTERN CAPE kuna noolyihiin shacab soomaaliyeed oo aad kadhareemiyay in ay siweyn ugu xiiseen wadankoodii hooyo ee Soomaaliya madaamaa ay gawaari badan oo calanka soomaaliya kadul ba’bana ay soo qateen Safiirkana siweyn ugu soo dhaweeyeen magaaladan..

Abaarihii 2dhuhurnimo ayaan soo gaarnay East London kadibna waxaa martida loosii gudbiyay xaafada ay dadka soomaliyeed deganyihiin oo qadoodi kasoo cuneen kadibana waxay loowaday howkii ay habeenkii xalay ahaa ku howdeen ee ROAD LODGE oo ah hoteel aad u qiimo badan taasina ay kutusineynaa hilowga ay uqabaan heleysta safiir iyaga matalaayo oo dhageystana dhibaatadooda waxna kaqeybta dhibka haatan heysto madaamaa dilal badan loogeystay ganacsatada dukaamada ku leh Location-nada ..

Dadweyna farabadan oo hamuun u qabay hadalka Safiirka Sayid Shariif Hassan ayaa soo buuxdhaafiayay hall-ka shirirka ee Buffalo, waxaana joogay waxgaradka magaalada dhalinyaro haween iyo madaxda kasocoto Police-ka East London.

Hassan Cali Maqtar gudoomiye ku xigeenka jaaliyada soomaaliyeed ee East London isla markaana ah ugaas-ka beesha Digil iyo Mirifle ayaa waxaa halbowle u ahaa soodhaweyn-ta safiir iyo sidoo kale ganacsitda magaalada . waxaana mr Hassan oo ku hadalka afka jaaliya uu qudhbad aad uxiiso iyo qiiro badan kasoojeeday waxaana uu u balan qaaday in isaga iyo dhamaan ganacsatda iyo shacabka reer East London ay sibuuxdo u garab istaagi doonaan safaaradan cusub ee soomaaliyeed madaama uu ku sheegay in umada soomaalieed ee wadankani gaar ahaan magaaladiisa ay baahi weyn u qabaa mudane hor istaaga kana dhiciyo cadowga. Mantay oo safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed uu joogo wadankani koonfur Africa ay tahay maalin cusub oo u dhalatay umadani dhibka kadaashay, hadalka Hassan Ali Maqtar waxaa kazoo kujray in Sayid Shariif uu yahay kii dib usoo qaadi lahaa shafarta magaca soomaaliyeed madaamaa uu yiri in umada kalo oo kasocdo dalalka kale ay sharciga qoxootinimada ay ku qaataan soomaalinimo,,

Colenel Fransis madaxa police-ka East London ayaa isagona kamid ah martida halkaasi timid isaga oo mataliyo madaxdiisa ama dowlada wadankani Koonfurta Africa (waxa shaqeyn fiican ayaa ina dhaxmari doonta safiirka cusub waana kusoo dhaweyneynaa wadankaani umada soomaaliyeedna uu wadankaani yahay koodi hooyo oo kale ) waa hadalkii mr Colenel fransis..

Sayid Shariif Hassan safiirka cusub ee dowlada soomaaliya usoo magacowday South Africa ayaa u balan qaaday in dhamaan umada in uu cadaalad ku maamuli doonaa uusan wax nin jecleysi ladhoho sameyn doonin.. ( gabdhaha waa gabdhaheygii wiilashana waa wiilashey mana dhici doonto in aan kala jeclaado ilmaheyga .. Sayid Shariif balan qaadkiisa waxaa kaloo kamid ahaa in aysan safaarada yeelandoonin muqalis ama qof dhaxeen doona isaga iyo shacabkiisa..

Saakay abaarihii afarsaac oo subaxnimo ayaan dib ugu soolaabanay magaaladan Johannesburg ileen Safiirka ayaa waxa uu biri hadii eebo idmo lakulmi doonaa madaxda wasaarada arimaha dibada ee wadankani kadibna uu shacabka usoo gudbin doonaa wxii ay go’aansadaa iyo goorta sida rasmi ahaanta loofuri doonaa safaaradii ugu horeysay ee soomaaliyeed…
Wixii soo kordhaa ayaan marwalba idinla soo gudbin doonaa hadii ilaah yiraahdo..

Sowdo Hussein Mohamud
Sowdo55@gmail.com
Johannesburg, south Africa


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
FIIDSOOH : Riman iyo Ceeb
Madaxweynaha Jubbaland oo Kenya u duulaaya
Baarlamaanka oo la aamusiiyay
Ciidanka Jubbaland oo hawlgalay
Somalia and the slippery slope of ‘Jubbaland’