Afmadoow oo hawada gashay

Published: July 12, 2012

Kn: Iyada oo uu sii kordhayo qalabka warbaahinta ee hawada soo galay, gaar ahaan mareegaha warlaliska ah ayaa waxaa kuwii ugu dambeeyey ee hawada soo gala ka mid ah mareeg wadata magaca degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Magaceedu waa Afmadownews.com, waxaana iska kaashaday ururka dhalinyarada degmadaasi iyo qurba-joog deegaankaasi kasoo jeeda.

Inkasta oo magaca Afmadoow ay wadato, hadane waxyaabaha lagu soo qoro kaliya ma ahan kuwa degmadaasi ka hadlaya sidaba laga yaabo in dad badan u qaataan, ee markii aan booqanay waxaan ku aragnay moowduucyo kala duwan oo ka hadlaya guud ahaan dalka.

Inkasta oo dad badan ay ka yaabanyihiin xawliga warbaahinta xagga Internet-ka ee hawada soo galaya, hadane inta badan dadka waxa ay isku waafaqsanyihiin in uusan magaca micno samaynaynin, balse hadba tayada waxa lasoo bandhigo ay tahay waxa dadka soo jiita.

Degmada Afmadoow oo ka mid ah degmooyinka ugu facaweyn dalka, dadka ku dhaqanna ay leeyihiin taariikh gaar ah oo aan in badan waxbo laga qorin iyo waliba aftahanimo meelo badan oo dalka ka mid ah kol hore ka suushey, ayaa wixii hadda ka dambeeya ay tahay mid laga wardhoowro waxa ay qorayaasha bogani lasoo shir tagaan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Raadaar kadib, amaanka Kismaayo oo ay diiradda saarantahay
Ethiopia iyo Masar oo heshiiyey
AMISOM oo Kismaayo lagu weeraray, waa markii koowaad
Shirweynihii waxbarashada oo Xamar ka furmey
Education will be the foundation of a new Somalia, Prime Minister says, opening a landmark National Education Conference in Mogadishu