Ilaahay baa mahad dhamaanteed iska leh, naxariis iyo nabadgelyana nebi Muxamed korkiisa haahaato. Intaas ka dib waxa aan salaamayaa bulshada afsomaliga ku hadasha ee uu maqaalkani ku socdo dhamaantood meel kastay joogaan.
Maqaalkan kooban wax igu kelifay, hadalo aan marar badan maqlo oo dad masuuliyiin ah iyo dad rayid ahiba ay ku celceliyaan, kuwaasoo ka hadla sida ay soomaaliland u hor martay iyo waxa ay reer soomaaliland qabsadeen labaatankii sano ee ugu danbeeyey 1991-2012,iyadoo dhinaca kale hadaad eegto aad arkayso maalin kasta dhibaatooyin cusub oo aan hore u jirin oo soo kordhaya, waxaad arkaysaa baahi baahsan oo bulshadu qabto, rajadii oo hoos u sii dhacaysa, dhalin yaradii oo dalkii ka
hijroonaya (tahriibaya) oo badaha iyo lama degaanada saxaraha ah ku le’anaya. Waa laba arimood oo is qaban la’.Iyadoo xaaladaasi jiro hadanna in markasta hadaladan lagu celceliyo waxaynu ku tilmaami karaa in
ujeedada kelifaysaa tahay dhowr arimood;
1- In la wayneeyo laguna faano waxa ay soomaaliland tahay iyo inay talaabsatay (sida laga cabiro).
2- In bulshada lagu dejiyo oo lagu sabir siiyo, iyadoo hadba cida ka hadlaysaa ay arimahan
ujeedadeeda u adeegsato.
3- Waxa yidhaahda dad iyagu intan muuqata la dhacsan oon isu dheeli tiri karayn:
a) waxa la qabsaday iyo waxa la qaban karayey ee la dayacay.
b) ama waxa qabsoomay ee la wanaajiyey iyo dhinaca kale waxa la lumiyey, ee la khasaaray.
Hadaladani waxay dayeysiiyeen bulshada wixii mudnaa inay qabsadaan, iyo siday si dhab ah xaaladooda u aqoonsan lahaayeen, qiimeyn lahaayeen, yoolkoodana u xadidi lahayeen.Qoraalkan waxaan isku deyayaa inaan bal qaabka kale u jiheeyo fikirka dadka, dhinac kalena ka
eego arintan.
Araar
Qoraalkani maaha mid ka tarjuma cilmi baadhis ku dhisan lambaro iyo tirakoobyo go’an ama xog wareysi (questionnaire) balaadhan oo bulshada laga ururiyey, waase dareen u baahan in laysku dul taago, oo maskax fayow iyo qiimeyn caqli ku dhisan lagu eego. Ujeedadu waa in wax la qiimeeyo, la aqoonsado jihada loo socdo, laga tashado qorshe badbaado
oo istiraatiiji ah, kaasoo ku salaysan talaabooyin xadidan, mudaysan oo lagu gaadho hiigsi dhab ah oo bulshadan mustaqbalkeeda dhisaya, dhaxalna uga tegaya jiilalka (faca) soo socda. Dadka qaarbaa il keliya wax ku eega, dhinac keliyana wax ka arka, ujeedada qormadani maaha
duudsin la duudsinayo bulshada Somaliland waxa ay qabsatay, waase qormo inta wax garadka ah u tilmaamaysa in dib u eegis lagu sameeyo: maxaa qabsoomay mudadaas dheer ee rubuc qarniga ku dhow?, maxaa la qabsan karayey?, waxa qabsoomay ma yihiin wixii loo baahnaa ee mudnaanta hore lahaa?, waxa aan qabsoomini maxay u qabsoomi waayeen?, maxaa dhaliilo jira, maxaase sababay?, sidee loo daaweyn karaa?, qorshe noocee ah baynu u baahanay si waxa la haysto loo ilaaliyo waxa maqanna loo helo, wixii dhib jirana loo suulin lahaa?.
Kala-maan Dheeli tir fikradeed.
Iyadoo Somaliland madax banaanideeda lagu dhawaaqay mudo laga joogo 21 sanadood, mudadaas badan keedana uu jiray nidaam iyo kala danbeyn, deganaansho laysku halayn karaana ay dalka ka jirtay, hadana lama sameyn haba yaraatee horumar la taaban karo, kaasoo u dhigma wakhtiga
iyo imkaaniyaadka la haystay, weli waxa dayacan danihii guud, wax caasimadu ay la’adahay biyo nadiif ah oo ku filan, ma haysato laydh wanaagsan oo qiimo macquul ah lagu heli karo, ma jiraan kaabayaal
dhaqaale, waxa aad u liita adeega caafimaad, iyadoo sida maqaaxiyaha ay u furan yihiin goobo ku suntan inay bixinayaa adeeg caafimaad, hadana qofka maalin u baahdaa noloshiisa inta ka hadhay macmiil buu
u noqdaa!!!.
Waxa jira qashin iib ah oo suuqyadeena buux dhaafiyey!!!, ma jiro nidaam awood sharci leh oo si sax ah bulshada uga hubiya fayo qabka dawooyinka iyo cuntooyin dhacay ama waxtarkoodu liito ee dalka la keenayo iyo weliba tayada iyo masuuliyadda u adeegayaasha bulshada ee caafimaadka iyo aqoonta.Inkastoo ay tiro jaamacado ahi soo kordheen bixiyeenna shahaadooyin kala duwan, hadana dhinaca kale waxa sii batay shaqo la’aantii iyo tahriibkii dhalin yarada, weliba kuwii jaamacadaha ka soo
qalin jebiyey!!!, taasoo keenaysa in la tuhmo in mu’asasaadka waxbarashadu qayb ka yihiin abuuridda shaqo la’aanta iyo dilidda niyadda da’yarta waxbaranaysa!!!, sababtoo ah maysoo saarin arday leh aqoon
uu wax ku curiyo ama ugu yaraan isku filaansho ku abuuro, balse waxay siiyeen shahaado qabeed (qabwayni) madhan oo hamigiisiina kor u qaaday meelna aan gaadhsiinin, isagoo weliba ardaygu ku lumiyey awood, amin iyo aduunba, wuxuu ardaygii ka santaagayaa shaqo uu ogolaa markaanu
jaamacadda gelin, isagoo ku doodaya inuu yahay jaamici shaqadanina ama lacagta lagu bixinayaana aanay u cuntamin!, dariiqa u banaan ee keliyina wax uu noqday inuu maqaaxiyaha ka sheekeeyo, buulasha ku qayilo ama tahriib maciinsado, haduu niyad jab iyo dhaawac maskaxeed ka badbaado.
Waxa jira tiro yar oo arday ah kuwaasoo iyagu dadaal dheeraad ah muujiyey oo wax is baray, bulshadana wax kusoo kordhiyey.
Waa arin keensanaysa in dib u qiimeyn balaadhan lagu sameeyo, hanaanka waxbarasho ee dalka, lana xadido god-daloolooyinka arimahan sababta u ah. Nin aanu saaxiib nahay oo la yidhaahdo Mahad Ibrahim (Nuradin) oo ka mid ah aqoonyahanka iyo masuuliyiinta ku hawlan waxbarashada hoose ee dalka, ayaa iigu jawaabay mar aan waydiiyey qof aqoon iyo amaano leh oo aan doonayey inaan boos shaqo u dhiibo: “ma maqashay in wadanka shaqo la’aani ka jirto?” markaasaan idhi haa, markaasuu igu celiyey: “shaqaale la’aan baa ka jirta!!, helina maysid qofkaad doonaysid” !!!.
Dhinaca kale, inkastoo bulshada rayidka ahi ay isku dayeysay inay dhinaceed wax qabato, hadana wax qabadkoodu ma gaadhsiisna heer u dhigma wakhtiga iyo furaska ay heli karayeen, dadka inta waxa maanta muuqda qabatey badankoodu waa dad debeda ka soo noqday, waayo? dadka guduhu ma laha heer hal abuurnimo, kaasoo ka dhasha aqoon iyo waayo aragnimo wax cusub soo kordhin karta, soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Nimaan dhul marini dhaayo la’a”.
Inta badan wax-qabadka bulshadu gaar ahaan ganacsatadu waa mid ku salaysan sameynta faa’iido maaliyadeed, iyagoo hantida ugu badan geliya waxyaalo aan daruuri ahayn, horumarka bulsho ee mustaqbalka fogna burbur dhaqan-dhaqaale u sababi kara dalka. Malaayiin lacag adag ah ayaa lagu lumiyaa ku sheekaysiga telefoonada, qaadka, waxyaalaha laysku qurxiyo, iyo arimo badan oo luxury-ah (ka badbadin). Waxa dayacan oo aan la adeegsan awoodii, muruqii iyo maskaxdii dhalinyarada iyo aqoon yahanka bulshada oo maqaaxiyaha ku dayacan.
Is barbar dhig 1991 iyo 2012 .
Si aan u soo dhoweeyo biyo dhaca qoraalkan aan isku barbar dhigayo xaaladii muwaadinka Somaliland, gaar ahaan da’yartii noolayd 1991 markii dalka lagu soo noqday iyo da’yarta maanta 2012 waxaan jecelahay inaan aragtiday isku barbar dhigo dhowr arimood si aynu u xadidi karno maxay
reer soomaaliland qabsadeen, ma jiraa horumar la taaban karaa, mise dib u dhac baa jira?, si aan u soo dhoweeyo aragtida waxaan soo qaadanayaa sadex halbeeg oo keliya, kuwaasoo kala ah:
1. Rajada dhalinyaradii 1991 iyo rayada dhalinyarada maanta 2012 ay qabaan.
2. Xaaladda nololeed ee bulshada wakhtigaas iyo tan maanta 2012.
3. Qiimaha qofka soomaaliyeed gudo iyo debed 1991 kii iyo maanta 2012.
Rajada dhalinyarada ee 1991 iyo maanta 2012.Rajadu waa aasaaska koowaad ee nolosha ibnu aadamka, qofkuna inta uu rajo qabo wuu noolaan
karaa, haduuse rajo beelo nolol suuro gal uma aha, sidaa awgeed markaynu laba qof noloshooda isbarbar dhigayno inaynu rajada halbeeg ka dhiganaa waa qodob muhiim ah oon la yareysan Karin.
Hadaba muwaadinka Somaliland maalintaas rajadiisu maxay ahayd maantase muxuu rajo qabaa?.
Waayo aragnimo aan soo maray anigoo da’yar ah (teenage) ayaan wax ku metelayaa, maaha mala awaal, sidoo kale waaqica ay ku nool yihiin da’yarta maanta joogta Somaliland ayaan barbar dhigayaa. Waxaan ka baxay hargeysa 20/05/1988, oo ahayd maalin jimce ah, anigoo dhamaystay sanad dugsiyeedkii iskuulka una baxay fasax, laba maalmood kadibna waxa aan gaadhay tuulo ku taala gudaha. Ethiopia halkaas oo ay ku diyaar garoobayeen ciidamo badan oo ahaa snm isuna diyaarinayey inay duulaan ku soo galaan magaalooyinka hargaysa iyo burco, waxaan la kulmay dhalinyaro aanu hargeysa. isku xaafad ahayn oo is naqaanay oo qoryo ku jeeni qaaran, mid ka mid ahaa oo lagu magacaabi jirey Ugaadh (Allah ha u naxariisto) ayaa igu yidhi hadaad iga horyso oo hargaysa ku noqoto waxaad ku tidhaah daa Hooyo Faadumo (Allaah ha u naxariiso): waanu soo soconaa anagoon dheg la qabto lahayn, waxay ahayd kelmadani markii iigu horeysay ee aan maqlo, siduu u sheegay iyagoon dheg la qabto lahayn bay afar maalmood ka dib 27/05/1988 oo habeen jimce ahayd weerar hubeysan oo is miidaamin ah ku galeen magaalada burco, halka qorshihii hargeysa uu ku yimid dib u dhac dhawr
maalmood qaatey.
La soco qaybta labaad.
Fadlan ku soo dir wixii talo iyo toosin ah emailka kor ku xusan.
Abdulqani Hussein Mohamed
PhD (Candidate) in Islamic Financial Engineering
Cabdiqani2@hotmail.com.