Kn: Maanta madaxda dowladda ayaa hortagay shirka odayaasha ee caasimadda, fariinta ugu weyn ee ay u sheegeen waxa ay ahayd in dowladda ay u aqoonsan doonto “Suldaan Faalso” odaygii aanan soo gudbinin madaxyada ergada ansixineysa dastuurka.
Madaxweynaha Sheekh Shariif, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan iyo Ra’isulwasaaraha Cabdiwali Gaas ayaa maanta si wadajir ah u hortagay odayaasha, kana codsaday in ay soo gudbiyaan liiska ergada ansixineysa dastuurka.
Odayaasha ayaa kalifey in la dabomaro waqtigii loo qabtey in ergada ay kulmaan maadaamaa aanan lasoo gudbinin magacyada ergada, waxayna odayaasha qabaan cabashooyin xagga dastuurka ku saabsan.
Horey waxaa u jirey cabashooyin beelo badan ay qabeen oo ahaa in dad aanan ahayn odayaashii rasmi ahaan beeshaasi u matalayay ay shirka fadhiyaan, cabashadaasi oo madaxda dowladda horey isaga dhagomariyeen, balse hadda waxa ay odayaasha ugu goodinayaan in ay ku shabadayn doonaan waxa loo yaqaano “Suldaan Faalso” haddii aysan soo gudbinin magacyada.
Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in boqolkiiba 70% lasoo gubiyey magacyada ergada.
KismaayoNews.com