Kn: Saraakiil u hadashay dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegey in ay qabteen dooni hub la ciireysa oo u socotey Xarakada Alshabaab qeybtooda buuraha Galgala.
Hubka doonta saaran waxaa ka mid ahaa garneelo, gantaalo, miinooyin iyo walxaha qarxa, iyo waliba daaraa-damiyeyaal sida uu sheegey wasiirka dekadaha iyo la dagaalanka burcadbeeda Puntland Saciid Maxamed Raage.
Wasiirka ma uusan bixinin faahfaahin dheeraad ah, laakiin tani waxa ay noqoneysaa cadayntii ugu horeysay oo muujineysa in dagaalyahadana Shabaab ee gobolada Waqooyi Bari in ay is hubeynayaan, dagaalna diyaar u yihiin. Hubkani ayaa la sheegey in uu ka yimid Yemen oo ay ku suganyihiin dagaalyahano ALqaacida oo Shabaabka xiriir dhow la leh.
KismaayoNews.com