FIIDSOOH: Naaso-Hablood

Published: July 22, 2012

Kn: Muddo 20 sanno ah maamulka Somaliland waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley in maamulkaasi uu helo aqoonsi caalami ah, todobaadkii lasoo dhaafay Hargeysa waxa ay u ahayd xili hayaankii dheeraa u ekaaday in lasoo gaaray meel awrta lagu furo.

Waxaa ay magaalada martigalisey carwaddii shanaad oo caalami ah oo lagu soo bandhigayo ereyga qoran ama buugaagta iyo hidaha Soomaaliga, waxayna ahayd carwo lix maalmood socotey, sidii ugu balaarneydna looga soo qeybgalay gudaha iyo dibadaba.

Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar , Axmed Warsame Hadraawi iyo Goerge Kapchits ayaa ka mid ahaa dadkii carwadani ka qeybgalay, iyo qorayaal iyo filim sameeyeyaal caalami ah oo aduunka daafahiisa ka kala socdey.

Waxaa lasoo bandhigey boqolaal buug oo Afsoomaali ku qoran iyo kuwa ku turjuman, iyo aflaan qoraal Afsoomaali ah lagu turjumey, sheekooyin gaagaaban, gabayo, heeso iyo agabka hidaha iyo dhaqanka, dadkii ka qeybgalayna waxa laga soo wariyey in bandhiga uu ahaa kii tayo badnaa ee taariikhda casriga ah lagu qabto gayiga Soomaalida.

Run ahaantii waxa ay ahayd carwo lagu suuqgeeyey Soomaalida, aqoonsi heer caalamina loogu heley si dhib yar oo aanan waqti badan ku bixin, fariinta aduunka gaartayna waxa ay ahayd in Soomaaliya aysan ahayn meel dhibaatooyinka burcadbadeeda, argagixisada iyo macaluusha ay la dageen, balse ay jirto qeyb kale oo ay sheekada qabyo ka tahay, carwada buugaagta ee Hargeysana ay tahay mid dhamaystirtay qeybta maqan.

Qorayaal Soomaali ah oo daafaha aduunka oo dhan ka kala socdey ayaa ka qeybgalay, tanina waxa ay ka dhigantahay sida cunsurka Soomaaliga ah uu usii caalamiyoobayo in ka badan inta loo maleeynayo sida ay qabto Mary Harper oo ka tirsan BBC-da islamarkaasina carwada kusoo bandhigtey buug cusub oo ay Soomaaliya ka qortey oo lagu magacaabo “Getting Somalia Wrong?” “Soomaaliya oo qalad laga fahmay”.

Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar oo ah qoraa caan ayay u ahayd markii ugu horeysay oo cag dhigey Hargeysa muddo 37 sanno ah, farqiga ugu weyn ee usoo baxayna waxa uu ahaa sida ay dalka u socdaan iyo sida ay u hadlaan “markii hore dadka iyaga oo hoganaya oo hoos eegaya ayay socon jireen, hadalkooduna waxa uu ahaa hoos ka daruuryan xiligii Siyaad Barre”, hadalkana Mary Harper ayaa kasoo xigatay qoraaga maqaal ay ka qortey carwada.

Carwada waxaa soo qabanqaabisey xarunta Red See Online, waxaa madax ka ah Jaamac Muuse Jaamac oo ay maskaxdiisa kasoo maaxatay fikradda carwadani, waxa uu doonayaa in dadka maankooda uu ku mideeyo, kuna kobciyo dhigaalka murtida Soomaalida iyo garashada wanaagsan, wuxuu kaloo doonayaa in maktabado buugaagta ah laga dhiso magaalooyinka gobolada Waqooyi Galbeed.
Martidii ugu miisaanka cusleyd ee ay waligeed Somaliland fisho in uu Hargeysa tago waxa uu ahaa Matt Baught, danojiraha Britain u qaabilsan Soomaaliya, waxana uu carwada ka sheegey warkii ugu wanaagsanaa oo la filan karay balse waxa uu meel soke kaga soo noqdey in uu shaaciyo in Britain si buuxda ay u aqoonsatay Somaliland in ay tahay dal madaxbanaan, Baught waxa uu sheegey in Hargeysa ay ka furan doonaan qunsuliyad hoos tagta safaaradda Xamar laga furi doono mar aan fogeyn.

Jaamac oo lafsadiisa degen dalka Talyaaniga ayaa hadiyado hidaha Soomaaliga ah iyo buugaag gudoonsiiyey safiirka Britain isagoo yiri “waxaan u aragnaa inaad tahay safiirka Soomaaliya iyo Somaliland”. Britain iyo Talyaaniga waa farqiga ugu weyn ee kala qeeybinaya Somaliland iyo Soomaaliya.

Hargeysa iyo Xamar waxa ay isu jiraan hal milyan oo meyl, waxaana jira hal milyan oo sababood oo reer Hargeysa u doonayaan in aysan u hoos tagin Xamar, balse carwadani waxa ay muujisey in ay jiraan hal milyan oo sababood oo kale oo ay tahay in ay markale ku midoobaan labada Soomaaliya.

Buugaagtii meesha lagu soo bandhigey waxaa ka mid ahaa mid uu qorey afyaqaanka Ruushka u dhashay ee lagu magacaabo Goerge Kapchits, buuga magaciisu waa “Soomaalida been waa sheegtaa, kumase maahmaahdo” waana buug kulminaya maahmaahyada Soomaalida, waxa kale oo lagu soo bandhigey leeyliyo xaruntani Red Sea Online ay English u turjuntey oo uu qorey gabayaagii caanka ahaa Muuse Ismaaciil Galaal, waxaana xusid mudan in Kapchits uu horey u qorey buug la magacbaxay Faaliyihii La Bilkaday oo ah ciwaanka ay leedahay sheekada ugu horeysa buuggaasi oo sheekooyin badan ah taasi oo horey gabay oga mariyey Muuse Ismaaciil Galaal.

Wadahadalada Somaliland iyo DKMG ah waxa ay dhawaan wadada u xaareen in isu socodka gaadiidka, ganacsiga iyo dadka ee Koonfurta iyo Waqooyiga caadi noqdaan, Bandhiga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysana waxa uu suurogaliyey in Hargeysa ay martigaliso waxa ugu weyn ee ka dhaxeeya labada gobol oo ah Afka Soomaaliga, waxaana la odorosi karaa in aysan fogeyn Soomaaliya oo mid ah.

Waxaa laga yaabaa in jihadii aqoonsiga laga raadin jirey mid aan ahayn uu ka jiro Somaliland, dhowr sano oo kale oo fursad la siiyo Jaamac iyo kooxdiisana waxa ay u badantahay in ay maamulka iyo shacabka gobolada Waqooyi ka dhaadhiciyaan in aqoonsiga ugu wanaagsan uu yahay Soomaalinimada, aduunkana ay tahay in aqoonsi looga raadiyo afka Soomaaliga.

FIIDSOOH

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Madoobe oo yimid Nairobi
Muwaadhiniinta K/Afrikaanka ah ee lagu diley Soomaaliya oo tiradoodu korortey
Government condemns senseless attack on UN
AMISOM condemns attack on UNCC compound in Mogadishu
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar