Kn: Dowladda Kenya ayaa heleysa afar ka mid ah dayuuradaha casriga ah ee aan duuliyeyaasha lahayn kuwaasoo loogu talogalay in lagu xoojiyo ciidamada Kenya ee Jubbooyinka ka hawlgala.
Dayuuradahani oo loo yaqaano Drones oo u eg noolaha cayayaanka ah ee loo yaqaano Xuunka, ayaa waxaa bixiyey dowladda Maraykanka, waxana ay qeyb ka yihiin mashruuc ku kacaya $40 milyan oo doolar oo dayuuradahani lagu siiyey afar dal oo Afrikan ah oo dhamaantood ciidamo ka joogaan Soomaaliya.
Warkani oo lagu daabacay wargeyska Wall Street Journal ee New York kasoo baxa ayaa lagu sheegey in dalalka ka siinayo ay ka midyihiin Uganda, Jabuuti iyo Burundi, waxana uu intaasi ku daray in Uganda sanadkii hore la siiyey dayuuradahani.
Dayuuradahani aan “Xuunka” u bixiney ayaa ah kuwa aanan hubeysneyn, kaliyana loogu talogalay arrimo basaasnimo, waxaa la sheegey in dayuuradahani oo ku qalabaysan aalado casri ah ay awood u leeyihiin in habeenkii iyo maalinkii ay si isku mid ah ay wax u basaasi karaan iyadoo illeys shucaac ah dhulka ku bikaaciya, illeyskaasi ayaa huumaag sawireed usoo gudbinaya xarun dayuuradaasi laga maamulo.
Xuunkani oo lagu magacaabo Raven ayaa lagu warshadeeyaa gobolka California waxaana samaysa shirkad xagga cirbixiyeenada qaabilsan oo lagu magacaabo Monrovia, culeyskeeduna waa mid aad u aad u fudud, 1.9kg ayuu culeyskeedu yahay, halka balaca baalasha ay yihiin 1.37mitir.
Horaan waxaan u tabinay in Maraykanka uu saldhig dayuuradahani ay ka duulaan uu ka samaystey bariga Ethiopia oo lagu magacaabo Arba Minich.
KismaayoNews.com