Kn: Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa saxiixay dikreeto uu ku macnuucayo dhuxusha ka timaado Soomaaliya in Maraykanka loo iib geeyo.
Arrintani ayuu oga gol leeyahay in lagu cunaqabateeyo Alshabaab oo ka faa’iida canshuurta dhuxusha kasoo xaroota.
Maraykanka ayaa sidoo kale sheegey in cunaqabatayn la saari doono dadka lagu helo in ay musuqmaasuqeen hantida Soomaaliya loogu deeqo, arrintana waxa ay imanaysaa xili gudiga kormeerka cunaqabataynta Soomaaliya ay madaxda dowladda ku eedeeyeen in ay lunsaden lacago badan.
Horey Qaramada Midoobey ayaa mabnuucis kusoo rogtey dhuxusha Soomaaliya, waxaanan dhawaan tabinay in kumanaan tan oo dhuxul ah ay taalo magaalada Buurgaabo kadib cunaqabataynta, dhuxushaasi oo ku fadhida malaayiin doolar oo lacag ah.
KismaayoNews.com