Kn: Shirkaddii duulimaadka qaranka Soomaaliya ee Somali Airlines ayaa dib loo hawlgalinayaa mar aan fogeyn sida laga soo xiktey wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka.
Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur waa agaasimaha wasaaradda, waxa uu sheegey in uu jiro qorshe socda oo dib loogu hawlgalinayo Somali Airlines.
Dayuuradahihii hore ayaa la fahamsanyahay in intooda badan aanan faraha lagu heynin, mid iyo labbo meel lagu ogyahayna ay yihiin kuwa duug ah, sidaasi darteed waxaa jira dayuurado cusub oo ay dowladda ka heshey wadamo saaxiib ah sida Turkiga iyo Carabaha.
Somali Airlines ayaa waxa ay sahli doontaa in duulimaadyo Soomaaliya toos oga taga ay ka dagan karaan wadamo badan oo aduunka ah maadaamaa ay tahay shirkad dowli iyadoo la cuskanayo qaanuunka qaramada midoobey ee xagga duulimaadka hawada, halka shirkado maxali ah oo Soomaaliyeed aysan in badan suurogal ahayn in aysan tagi karin dalalka qaarkood.
KismaayoNews.com