Kn: Mid ka mid ah idaacadaha la’iska arko ee loogu daawashada badanyahay ee Universal TV ayaa wajahaya eedeymo la xiriira in uu dayacay mid ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan ee ka hawlgala oo dhawaan lagu dhaawacay caasimadda xili uu hawlihiisa saxaafadeed ku jirey.
Cabdiqaadir Cumar Cabdulle oo ku caanbaxay in uu kasoo waramo dagaaladdii qaraaraa ee caasimadda ka dhici jirey, kadibna isbadaladdii caasimadda ka dhacay ayaa maanta dhaawaciisa oo gudaha wax looga qabanwaayay dibada loo qaaday.
Horey ayuu wariyaha ugu dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay tiyaatarka, dhawaana koox dambey ah ayaa rasaas la beegsatay. Maanta isaga oo lagu riixayo bareelo, islamarkaasina faashado waaweyn ay lugaha oga maranyihiin ayaa dayuurad laga saaray garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan, waxaana safarkiisa dibada gacan ka geystey ururka dhalinyarada ee UYS.
Soomaaliya iyo guud ahaan deegaanada Soomaalida waxaa si joogto ah loo bartilmaameedsanayaa warfidiyeenada, iyadoo aan dhawaan tabiney wariye shaqadihiisii idaacadeed oga tagay hanjabaado iyo cagojugleyn.
KismaayoNews.com