Carruurta Muqdisho : Wiiftada waxaa u badalay wiifoowga

Published: July 24, 2012

Kn: Carruurta ku nool Muqdisho waxa ay in badan dhibane u ahaayeen dagaalada iyo dhawaqa rasaasta iyo huganka madaafiicda, waxaana jirey farxad yar oo ay la kulmaan.

Tani waxa ay saameyn xun ku yeelatay carruurta xagga maanka iyo cilmu nafsiga, waxayna in badan oo iyaga ka mid ah u leexdeen dhanka dagaalada iyadoo ay kooxaha dagaalamaya u sahlanaatey in ay hubeeyaan carruurta dagaalkana galiyaan.

Maanta markii ugu horeysay muddo 21 sanno ah waxaa caasimadda laga hergaliyey xarun weyn oo lagu diyaariyey qalabka ay carruurta ku ciyaaraan sida wiifoowga, leexada iyo garaangaro. waxaana mashruucani hergaliyey hey’adda bisha cas ee Dalka Turkiga.
Waxaa la arkayay Ahmet Lutfi Akar madaxa hey’adani oo carruurta la ciyaaraya, waxana uu sheegey in xaruntani oo ah tan kaliya ee caasimadda ku taala ay saameyn wanaagsan ku yeelato carruurta Soomaaliyeed.

Dhawaan madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ayaa saxiixay dikreeto uu cunaqabatayn ku saarayo cid kasta oo lagu helo in ay carruurta askarayso.

Xigasho: Kismaayood.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Madoobe oo yimid Nairobi
Muwaadhiniinta K/Afrikaanka ah ee lagu diley Soomaaliya oo tiradoodu korortey
Government condemns senseless attack on UN
AMISOM condemns attack on UNCC compound in Mogadishu
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar