Shirqool dil ah oo loo maleegey Nelson Mandela

Published: July 25, 2012

Kn: Rag koox ah oo ka tirsan qoowmiyadda cadaanka tirada yar ee loo yaqaano Buuraha ayay maxkamadooda ka socotaa magaalada pretoria halkaasi oo la filayo in xukun lagu rido.

Dacwada loo heysto oo ah qayaano qaran iyo isku day afgambi dowladda ANC ayaa waxaa soo baxday in xitaa qorshahooda uu ka mid ahaa in ay dilaan madaxweynihii hore Nelson Mandela si kacdoon rabshado wata ay dalka oga dhaliyaan, kadibna ay cadaanka ola wareegaan xukunka.

Sida uu sheegey xaakimka xukunka ridaya Eben Jordaan, ninka hormuudka ka ahaa abgamiga dhicisoobay Du Toit ayaa la sheegey in uu dajiyey qorshe dhigaya in cadaanka ay kaashadaan qoowmiyadaha hindida iyo midabka si ay dalka oga kaxeeyaan dadka madoowga ah oo lagu kuuso xuduudaha dalalka dariska ah, kadibna ay madaxa ka wada toogtaan hindida iyo cadaanka marka cadaanka ay awoodda la wareegaan.

Sida ay sheegeen marqaatiyo maxkamadda horyimid Du Toit ayaa kulamo uu qabtay ku magacaabay rag madax ka noqda qeybaha kala duwan oo dalka ka mid ah, wuxuuna u kala direy hawlo ay ka midyihiin in hawada ay ka qaadaan sawiro xerooyinka ciidamada ay degenyihiin, iyo in ay soo uruuriyaan macluumaad la xiriira keydadka hubka dalka.

Waxaa qorshaha ka mid ahaa in rag cadaan ah oo ka shaqeeya shirkada korontada ee ESKOM ay gooyaaran quwadda korontada si loo fuliyo afgambiga.

Xaakimka waxa uu diidey in uu aqbalo sheegashooyin ay soo jeediyeen ragga maxkamada ay ku socoto ee kala ah Mike du Toit, walaalkiis Andre, Rooikoos du Plessis iyo Dion van den Heever taasoo ahayd in marqaatiyada qaranka ay dhamaantood wada yihiin kuwa been abuurey marqaati kacooda.

Mar aan fogeyn ayaa la filayaa in uu xukunka dhoco, waxaana socda akhrinta xukunka maxkamadda oo ka kooban boqolaal bog.

Xigasho: xogmaal.net


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Muwaadhiniinta K/Afrikaanka ah ee lagu diley Soomaaliya oo tiradoodu korortey
Government condemns senseless attack on UN
AMISOM condemns attack on UNCC compound in Mogadishu
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar
Weerarkii hey’adda Qaramada Midoobey ee UNDP iyo Amniga Qaranka