Kn:Dawlad goboleedka IGAD iyo dawladda KMG ah ayaa ku heshiiyey maamul usameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo kadib markii wafti balaadhan oo ka tagay magaalada Nairobi ay kulan la yeesheen madaxweynaha Dawladda, Raisul wasaaraha, Shariif Xasan iyo Wasiiro kale kuwaasoo ka wada hadley dhameystirka shirka Nairobi ay ka waddo urur goboleedka IGAD.
Shirkan oo socday saacado ayaa ujeedkiisu ahaa in urur goboleedka IGAD ay wargaliso kalana tashato dawladda KMG maamul u sameynta Jubbooyinka iyo Gedo iyo in dawladda laga dhageysto waxii talo ah ama su aalo ah ay ka qabaan.
Dood iyo falanqayn kadib waxuu madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Sheekh Shariif garwaaqsadey muhiimadda ay leedahay maamul usameynta Jubbooyinka isagoo sheegey inuu guddi usoo diri doono shirka kasocda Nairobi kuwaasoo qayb ka qaadan doona dhameystirka shirka.
Warbaahinta KismaayoNews oo khadka telka kula xiriirtey Korneyl Ciilmooge oo wax ka weydiisey shirkaas maaddaama oo uu kamid ahaa waftigaas ayaa noo sheegey in is afgarad iyo isfaham uu ku dhamaadey kulankaas isagoo sheegey in waftigii qaar kamid ahi ay dib ugu laabteen Nairobi.
Korneyl Ciilmooge ayaa isagu wali kusugan magaalada Muqdisho isagoo sheegey inuu halkaas u joogo hawlo muhiim oo ay kamid tahay sidii shirka Nairobi kasocda loo dhameystiri lahaa isla markaana loogu dari lahaa beelaha ka maqan shirka kasocda Nairobi.
Waxii kasoo baxa dib kala soco