Kn: Jeneraal ka tirsan ciidamada badda ee Iran ayaa culumada Sucuudiga, kuwa Imaaraadka iyo kuwa Yemen ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan dhibaatada burcad badeeda ee Soomaaliya.
Jeneraal Mohammad Nazzer ayaa sheegey in wadaadadan ay lacago iyo hub siiyaan burcadda, iyagoo hubanti ka dhiga in aysan wax raad ah reebin si aanan loo ogaanin.
Tani waa eedeyntii ugu weyneyd ee Iran kasoo yeerta loona jeediyo wadamadani, oo midkood oo ah Imaaraadka uu dadaal badan ku bixiyey la dagaalanka burcadda, dhawaana kaalmo militari siiyey ciidamadda badda ee Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu hadal ceynkan ah kasoo yeera dalka Iraan .
KismaayoNews.com