Kn: Mas’uulkii ugu sareeyey oo Alshabaab ka tirsan oo illaa iyo dhawaanahan ka baxsada ayaa gaaray Xamar, waxana uu isu dhiibey dowladda.
Sh. Xassan Macalin Ibraahim oo Waajidi ku magacdheer, islamarkaasina ah qaari dalka boqortooyadda Sacuudiga kusoo wacbartay ayaa Shabaabka waxa uu u qaabilsanaa dacwadda gobolada Bay iyo Bakool.
Waxa uu ka sheegtey Alshabaab, isagoo tibaaxay in dhibaato ay isaga u geysteen uu oga soo baxay xarakada.
Sheekhani ayaa Shabaabka ku qanacsanaa markii ay dadka kale dhibaateynayeen, isagoo madaxda dowladda ee la dilo masaajidada waaweyn ee Baydhabo ka sheegi jirey in gaalo waaweyn la diley.
Waxaa isla soo dhiibey Yalaxoow Calasoow oo isagana ah askari Shabaabka ka tirsanaa.
Hey’adda nabadsigidda dowladda ayaa saxaafadda tustey ragani.
KismaayoNews.com