Kn: Deegaanka Mooyaale ee dhanka Ethiopia waxaa laga soo sheegayaa dagaalo daran oo dhexmaray Soomaali iyo Booran .
Tirada dhimashada waxa ay maraysaa 20 qof, tobon kun oo qofna waa ku barokaceen kadib dagaalo dhexmaray beelaha Gari Koombe iyo Booran, waxayna isku heystaan lahaanshiyaha dhuleed.
Mooyaale waxa ay dhacdaa ismaamulka Oramada, waxaana jira shaqaaqooyin inta badan dhaca oo dhexmara beelaha Soomaalida iyo qabiilada aan Soomaalida ahayn.
KismaayoNews.com