Kn: Wasiirkii ugu horeeyey oo ebed Soomaaliya taga oo dalkani ka socda ayaa Xamar ka sheegey in dowladdiisa Soomaaliya ugu deeqeyso 3 malyuun oo Pound, lacagta Ingiriiska.

Lacagtani waa mid ka dheeraad ah 3dii milyan ee horey Ireland ay Soomaaliya ugu deeqdey shantii sanno ee lasoo dhaafay.
Wasiirka arrimaha dibada Ireland Eamon Gilmore oo muddo lix saac ah ku sugnaa caasimadda ayaa booqdey xarug wax lagu baro carruur nafaqo daro ay heyso oo ay maamusho hey’adda Ireland laga leeyahay ee Concern loo yaqaano.
Iskuulka Wiilwaal ee uu tagay wasiirka ayaa waxaa dhigta 750 arday, waxaana ka muuqdey duruufo nololeed oo aad u daran.
KismaayoNews.com