Dooloow, Nooloow

Published: July 31, 2012

Kn: Magaaladda Dooloow ee Gedo oo ka mid ah meelaha dadka ugu badan ee gudaha ku barokacay ay nolosha u raadsadeen ayaa waxaa laga hergaliyey isbitaal weyn.

Isbitaalka oo daweynta ka sokoow sidoo kale lagu samayn karo qaliinada kala duwan ayaa waxaa ka hawlgalo dhaqaatiir Soomaali ah iyo kuwa Masaari a, waxaana hawlgalisey hey’adda qaxootiga aduunka ee WHO.

Tani waa talaabo wanaagsan oo ay dad badan ku diirsadeen, waxaana looga maarmayaa ama ay dabooleysaa baahi caafimaad oo aad u weyn.

Dhawaan ayay ahayd markii WHO ay xarun caafimaad oo yar ka hawlgalisey magaalada Raaskaanbooni ee gobolka Jubbada Hoose , iyo Isbitaal weyn oo ay ka hawlgalisey magaalada Xudur ee Bakool.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
War saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland oo lagu ogolaaday war murtiyeedkii IGAD
Kismaayo oo dagaal laga iclaamiyey
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013
Statement of H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State and Government of IGAD 24 May 2013, Addis Ababa, Ethiopia‏
Jeneraal Saalax Makoma, taliye cusub oo loosoo magacaabay Jubadda Hoose