Kn: Labbo nin oo mataano ah ayay suurogal tahay in lagu xukumo 14 sanno oo xarig ah kadib markii ay qirteen in ay Alshabaab iyo Alqaacida lacag u aruuriyeen, iskuna dayeen in ay u diraan.
Ragani oo maxkamadooda ka socoto magaalada London oo kolhore lagu qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Shabiir Cali iyo Mohammed Shabir Ali iyo walaalkiis oo ka yar ayaa gurigooda laga heley kitaab uu qorey hogaamiyihii Alqaacida ee Yemen lagu diley Anwar Al-Awlaki kaasoo ciwaankiisu yahay “44 sifood oo lagu taageeri karo Alqaacida”.
Daafaha aduunka waxaa ka socda dacwado iyo baaritaano la xiriira dad taageera Alshabaab siyaabo kala duwan.
Dhawaan maxkamad Maraykanka ku taala waxaa isagana qiraal sameeyey nin kale oo Shabaabka taageerayay.
KismaayoNews.com