Kn: 825-ta ergo ee u fadhida asnixinta dastuurka cusub ayaa soo dhameeyey doodii ay ka lahaayeen dastuurka, waxaana loo diyaargaroobayaa codeyntii.
Sida ay KismaayoNews horey u faafisey haddii ay “Maya” ku codeeyaan, baarlamaanka cusub ee imanaya ayaa mar kale cod u qaadaya.
Ergada ayaa ka doodayay dastuurka muddo lix cisho ah, waxayna tahay in muddo sagaal maalmood ah kusoo gunaanadaan howsha oo dhan.
Dhanka kale wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtey in ay fashilisey qarax ismiidaamin ah oo lala damacsanaa ergada, waxaa la sheegey in labbo qof oo soo qaatay waraaqo aqoonsi oo been abuur ah ay xarunta yimaadeen, markii la’isku dayay in la baarana ay diideen, kadibna laga hor istaagay in ay meesha galaan, kadibna halkaasi isku qarxiyey, labadiiba waa ay ku dhinteen qaraxa.
KismaayoNews.com