Kn: Kala bar lacagta Maraykanka uu siinayo wadamada Afrika ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa waxaa loogu deeqey Uganda oo ah dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya.
Sanadkani oo kaliya, oo waliba kala bar maraya $82 malyuun oo Doolar ayuu Maraykanka siiyey Uganda, Kenya iyo Jabuuti sida lagu sheegey war kazoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka.
Warkani ayaa soo baxay xili ay Afrika booqanayso wasiiradda arrimaha dibada Maraykanka Hillary Clinton.
Uganda waxaa loogu deeqey $19 malyan, Kenya $8 malyuun, Jabuuti $750,000 (todobo boqol iyo konton kun oo doolar), Burundi $13.1 Malyuun.
Warbixinta ayaa lagu sheegey in Alshabaab ay wali halis badan leedahay, islamarkaasina xerooyin tabobar ay ku leedahay koonfurta dalka.
KismaayoNews.com