Maxamed Farah oo jabiyay Cabirka orodka caalamka ee 10KM

Published: August 4, 2012

KN:Orodyahanka kasoo jeeda Soomaaliya asal ahaan balse heysta dhalashada waddanka Ingriiska ayaa habeenkan caawa noqodey qofkii ugu horeeyey ee Ingriis ah ee jabiya cabirka orodka dheer isagoo si xawli ah ku dhaafay dhamaan raggii uu la tartamayay taasoo keentey in dhamaan halmar garoonkii isla kaco sawaxan iyo qaylo.

Maxamed Farax ku caanbaxay MO Farah ayaa caawa la galbaday billad dahab ah oo isagoo wareeggii ugu danbeeyey ka cag goostey orodyahanadii laga cabsi qabay ee kasocday dalka Kenya iyo Ethiopia oo aad u cabbanaa kuna mamay iney marwalba garoomada caalamiga ah kala tagaan bilado.

Soomaalida daafaha dunida joogta ahaa iyaguna dhankooda aad u daawanayay Maxamed Faarax iyo orodkiisa iyagoo si kal iyo laab ah u taageerayay kuna hanweynaa inuu Maxamed guuleysto. Maxamed ayaa tababar dheer usoo galay tan iyo caruurnimadiisii inuu maruun uu ku guuleysto tartanka caalamiga ah.

Waddanka Britain ayaa si aan caadi aheyn ugu dabaaldagaya guusha uu gaadhey Maxamed Faarax oo u noqoneysa guushii ugu horeysey ee qof udhashey jasiiraddaas uu gaadho.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Way dhibanyihiine u dhimriya!
Olole nadaafadeed oo ay qeyb ka yihiin ciidamada oo ka biloowmey Kismaayo
Labbo qof xoolo dhaqato ah oo lagu diley suuqa xoolaha Kismaayo
Xaawo Wiilo iyo seeygeeda Faarax Feyte ayaa dil ka geystey Kismaayo
Ciidamada dowladda ee Kismaayo oo taliskooda la’isku heysto