Kn: Iyada oo loosii dhawaanayo doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale xawli dheereeya ku socda ololaha doorashada loogu jiro, waxaanan halkan halbeegga ku saaraynaa heerka taageerada uu heysto madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Tusaalaha ugu wanaagsan waxaa loosoo qaadan karaa shalay markii uu ka dagay garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan, wuxuu la kulmey soo dhaweyn la mid ah tii uu la kulmi lahaa cirbixiyeen kii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo dayaxa taga, mana u muuqan qof 48 saac oo kaliya dalka ka maqnaa.
Taageerada uu dadka kala kulmey waxa ay jawaab dadban u ahayd wixii ka dhacay Nairobi ee isaga ka dhanka ahaa sida looga soo horjeedo, iyadoo dhanka kale beesha caalamka loo muujinayay sida hogaankiisa ay dadka ugu kalsoonyihiin.
Waxay u muuqatay in ay u heshiiyeen Puntland, Cabdiwali Gaas iyo Shariif Xassan, halka Galmudug aanan la odorosi karin dhanka ay u janjeerto maadaamaa carqalad uu ku yimid xukunkooda, balse Ahlu Sunnah Waljamaaca ayaa si toos ah ola safatay madaxweynaha sida aan warar ku helney.
Ahlu Sunnah lafteeda waxaa jirey dilaac iyo duleelo kasoo muuqanayay dhexdeeda iyadoo nidaam beeleed loo kala saftay.
Inkasta oo aysan haatan micno badan samaynaynin taageerada shacabka, hadana madaxweynaha waxa uu taageero culus ka heystaa ciidamada qalabka sida, iyadoo wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise uu yahay xubinka ugu muhiimsan ee golaha wasiiradda ku jira ee 200% jeer wax ka badan taageersan, taabacsanna madaxweynaha.
Taageerada ciidamada xiligan waa mid micno weyn samaynaysa, siiba haddii ay dhacdo isku day in awood lagu maquuniyo Shariif.
Sida muuqata Uganda iyo Jabuuti, iyo AMISOM ayaa guud ahaan ka gaabsanaya sida ay wax u dhacayaan, waxaana la odorosayaa in ay si buuxda u taageersanyihiin Sheekh Shariif in uu kursiga kusoo laabto.
Turkiga ayaa isaga la fahamsanyahay in uu samaynayo wax kasta oo suurogal ah in uu kursiga ku xajiyo Sheekh Shariif haddiiba ay dhacdo in si aan sharci ahayn la’isugu dayo in meesha looga diro.
Qodobka ku saabsan sida loo kala hormarinayo doorashooyinka madaxweynaha iyo gudoonka Baarlamaanka ayaa ah mid u muuqata in ay ragaadin doonto kala guurka, tusaale ahaan Shariif Xassan waxa uu u sharaxanyahay labada jago, isagoo hadba tan uu waayo mooyee tan kale u tartamaya, mise sidaasi si ka duwan doorashada madaxweynaha taageeraya musharax ay heshiis yihiin si marka tan gudoomiyaha baarlamaanka lasoo gaaro isaga codka loogu shubo ama Ra’isulwasaraaha uu u noqdo.
Laakiin hal arrin oo dadka markani isku wada waafaqsanyihiin ayaa ah in labada Shariif ay markani kala dhinteen, waxa isku hayana uu yahay Roadmap-ka oo kaliya. Sheekh Shariif waxaa ka go’an in uu marka hore xaqiijiyo in kursiga gudoomiyaha baarlamaanka uu helo qof uu wato, sidaasina meesha oga saaro Shariif Xassan.
Dhanka beelaha waxaa la fahamsanyahay in Sheekh Shariif uu inta badan heysto taageerada beelaha, sida Dirta Waqooyi kadib heshiiskii Somaliland, Hawiye, kala bar Daarood, iyo qeybo ka mid ah Digil iyo Mirifle iyo waliba beelaha Shanaad oo laftooda kala jaban.
Si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda waxa ay noqon doonaan kuwa xasaasi ah oo dad badan ay indhaha ku heyn doonaan sida ay wax u dhacaan.
KismaayoNews.com