Kn: Madaxweynaha DKMG ah ayaa shalay ka baxay shir ay lahaayeen saxiixayaasha Roadmap-ka kadib markii miiska lasoo saaray arrin la xiriirta doorashada madaxweynaha iyo tan gudoomiyaha baarlamaanka tooda ay tahay in lasoo hormariyo.
Qorshe ay wada wateen madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole , Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Ra’isulwasaaraha Dr. Cabdiwali Gaas ayaa ahaa in doorashada madaxweynaha lasoo hormariyo.
Muuqaalo idaacadaha la’iska arko laga baahiyey ayaa muujinayay madaxweynaha oo gacanta firdhinina, kuna gacanseeyraya saxiixaasha. Waxyar kadib madaxweynaha waxa uu ku laabtay Xamar oo loogu sameeyey soo dhaweyn diiran.
Boqolaal dad ah oo xirnaa funaanado iyo koofiyado lagu buufiyey sawirka madaxweynaha, kuna qornaayeen halku dhigyo English ku qoran oo dhahaya “U code 2012-ka” ayaa isugu soo baxay garoonka.
Inta la ogyahay taariikhda dhow ee dalka, dhamaan doorashooyinkii dhacay waxaa lasoo hormarin jirey doorashada gudoonka baarlamaanka, kadibna tan madaxweynaha ayaa la qaban jirey, lamina garanayo ujeedka laga leeyahay ama micnaha ay hadda ku fadhido in dood la galiyo tan ay tahay in lasoo hormariyo mar haddii qof kasta diyaar u yahay in sanduuqa codbixinta uu wajaho.
Waxaa jira warar badan oo kutirekuteen ah oo aad la’isula dhexmarayo, waxaana jirta xiisad kacsan oo siyaasadeed.
KismaayoNews.com