Sanad kadib ka bixitaankii Shabaab ee Xamar

Published: August 6, 2012

Kn: Bishan oo kale sanadkii hore waxaa magaalada Xamar gabi ahaanba isaga baxay xarakada Alshabaab, waxaana muuqda isbadalo xoogan oo magaalada ka dhacay.

Isbadalka ugu weyn waa in aysan magaalada ka dhicin wax xabad ah markii ugu horeysay muddo labaatan sanno ah, iyada oo dadka aysan lafahooda oga baqin waxa loo yaqaano “madfac haboow ah” ama “xabad wiifto” ah.

Isbadal kale oo durba la dareemayo waa lacagaha dibada laga soo diro, xawaaladaha waxa ay sheegayaan in 20% ay sare u kaceen lacaha dibada laga soo diro taasi oo ka turjumeysa tirada dadka magaalada oo aad u kordhey, waxayna qiyaastu tahay in 3 milyan oo qof ay haatan caasimadda ku nooshahay.

Isbadal kale ayaa ah sarifka lacagaha qalaad, shilinka Soomaaliga ayaa boqolkiiba korton xoogeystey marka la barbardhigo doolarka oo ah lacagta ugu badan ee lagu badasho.

Laakiin dad badan waxa ay walwal ka qabaan illaa heerka ay sii socon karto nabadani iyo xasiloonidan.

6dii August sanadkii hore ayay ahayd markii xoogaga Alshabaab ay isaga baxeen caasimadda, wixii ka dambeeyeyna waxaa dhacay isbadalo waaweyn oo wali halkooda kasii socda.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Muwaadhiniinta K/Afrikaanka ah ee lagu diley Soomaaliya oo tiradoodu korortey
Government condemns senseless attack on UN
AMISOM condemns attack on UNCC compound in Mogadishu
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar
Weerarkii hey’adda Qaramada Midoobey ee UNDP iyo Amniga Qaranka