Kn: Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in uu jiro qorshe xili dhow balaarin iyo dayactir loogu samaynayo garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan.
Sida uu sheegayo wasiirka gaadiidka circa iyo dhulka iyo dekedaha Aadan Cabdullaahi, garoonka ayaa la balaarinayaa kadib markii saxmadda garoonka ay badatay, islamarkaasina ay kordheen dayuuradaha ku daganaya, waxaan howshani qabanaya dowladda Turkiga.
Horey waxaa u jirey heshiis 10 sanno ahaa oo lala galay shirkadda SKA oo garoonka maamulkeeda heysa, islamarkaasina ka macaashta lacagta kasoo xaroota, heshiiskaasi oo dhigaya in garoonka wixii dayactir iyo balaarin u baahdo ay iyada qabato.
Sidaasi oo ay tahay SKA howlo badan ayay ka qabatay garoonka, mana la oga dayactirkani iyo balaarinta halka uu ka galayo heshiiskii horey u jirey iyo haddii ay wax iska badaleenba.
KismaayoNews.com