Kn: Dilka haweeneey ahayd safiirka dalka Venezuela ee dalka Kenya ayaa waxaa loo raadinayaa nin Soomaali ah.
Police-ka Nairobi ayaa waaran xarig u jaray Maxamed Axmed Maxamed Xassan oo la sheegey in uu saaxiib la yahay xoghayaha koowaad ee safaaradda Venezuela ee Kenya oo isaga loo heysto dilka haweeneeydani.
Safiiradda oo lagu magacaabi jirey Olga Fonseca ayaa gurigeeda laga heley iyada oo xarig lagu marjiyey.
KismaayoNews.com