Yuusuf Garaad oo BBC ka tagay, Madaxweynenimo miyuu isu sharaxayaa?

Published: August 7, 2012

Kn: Yuusuf Garaad oo muddo dheer ahaa madaxa idaacadda sida weyn loogu taxanyahay ee BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa shaaciyey in uu xilkaasi isaga tagayo.

Yuusuf ayaa fariin uu soo dhigey ciwaankiisa Facebook-ga ku yiri “20 sano ka dib, waxaan maanta ka ruqseystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga. Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa”

Xiliga ay kusoo aaday shaqo ka tagistiisa oo ah maalmo uun ka hor doorashada madaxweynenimada ayaa keeneysa su’aalo badan oo ku saabsan xilka uu doonaya kan uu yahay.

Yuusuf ayaa lagu garan ogyahay xagga doodaha siyaasadda iyo weeydiimaha siyaasadaysan, isagoo marar badan wajahay eedeymo calculus oo ku aadan shaqadiisa sida uu u guto, mid ka mid ah eedeymahaasi waxa ay ka yimaadeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf oo Yuusuf Garaad ku tilmaamay “Hogaamiye kooxeedka kaliya ee dalka ku haray”.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Haweeney Kismaayo ku dishey 2 askari
Tix gabay ah oo tilmaamo wanaagsan ka bixineysa Macalin Dhoodaan
Soomaalida oo cabasho geysey baarlamaanka K/Afrika + Video
Xamar oo Kismaayo kudd ooga soke maray
Waa ceynkee dareeska ciidanka cusub ee Jubbaland?