FIIDSOOH: Yuusuf Garaad, Nacabka Yuurura

Published: August 8, 2012

Kn: Ninkii hadal dadka si cadaalad ah dadka ugu qeeybin waayay, miyey kula tahay in si cadaalad ah uu ugu qeeybinayo qeeyraadka dalka?.

Daboyaaqadii todotobaatameeyaddii iyo horaantii sideetameeyaddii, Yuusuf Garaad Cumar waxa uu ahaa saxafi da’yar oo kusoo shaacbaxay idaacaddii qaranka ee Radio Muqdishoow iyo wargeyskii Xidigta Oktoonbar.
Waxkasta oo maankiisa ka guuxayay iyo aragti kasta oo uu qabay waxaa faafreeb ku sameeynayay dowladdii xiligaasi jirtey oo aanan ogoleyn wax aanan amaanteeda ahayn.

Sidaasi si la mid ah horaantii sagaashameeyaddii markii 1992 dii uu ku biirey BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, Yuusuf Garaad ma uusan lahayn dooq iyo waxyaalo badan oo uu kala doorto, sababtoo ah tifaftirayaashii xiligaasi ayaa go’aan ka gaari jirey waxa ay tahay in uu idaacadda ka boxo iyo waxa kale.

Laakiin markii uu tifaftire ka noqdey BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, Yuusuf Garaad waxa uu ku sifoobay tifaftirihii ugu horeeyey oo BBC-da soo mara tan iyo intii albaabada loo furey sanaddii 1956 dii oo idaacadda u roga masrax siyaasadeed oo laga hago danaha qeyb yar oo bulshada ka mid ah, laguna takooro qeybo badan oo bulshada ka mid ah.

Xaaji Cabdi Xuseen oo ahaa warihii ugu horeeyey oo afka Soomaaliga oga hadla BBC-da 1956dii waxa kaliya ee micnaha iyo muhiimadda u lahaa waxa ay ahaayeen inta afka Soomaaliga ku hadasha in si isku mid ah uu u gaarsiiyo warar iyo xogo ay u baahanyihiin, laakiin Yuusuf inta Soomaaliga ku hadasha beelo ka mid ah ayay muhiimaddiisa noqotey.

Sanadkii ugu horeeyey ee uu idaacadda tagay waxa uu shaqada ka tagay 12 wariye oo si weyn caan ugu ahaa shaqada ay bulshada u hayeen, tusaale goormaa kuugu dambeeysey Shamso Cabdullaahi Baybuug iyo Xeeydara?.

Xiriirka dhow ee adag ee uu la lahaa dowladda ingiriiska, gaar ahaan sirdoonka iyo wasaaradda arrimaha dibada oo miisaniyadeeda idaacadda lagu maalgaliyo ayaa Yuusuf ka dhigtey nin aanan la loodin karin cabasho kasta oo laga gudbiyo.

Xitaa shalay markii uu shaqada ka tagay si uu isugu taago xil qaran, kalsoonida lagu qabo darteed waxaa la waayay qof Soomaali kale ah oo badala, waxaana booskiisa la geeyey nin dalka Australia u dhashay oo lagu magacaabo Andreas.

Marka dib loogu noqdo tobonkii sanno ee uu hayay xilka tifaftirenimada BBC-da, oo kadibna aad ogaatid damaciisa siyaasadeed ee uu ku dhawaaqay, waxaa kuusoo baxaysa in Yuusuf uu idaacadda u isticmaalay masrax siyaasadeed oo uu ugu ololeeyo mustaqbalkiisa siyaasadeed, maantana isaga oo garab ka heysta dowladda Ingiriiska ayuu u duulayaa Xamar si uu xil siyaasadeed isugu taago.

Waxaa xusid mudan in dad badan ay isweeydiinayeen qofka dowladda Ingiriiska ay la dooneyso kaalin siyaasadeed oo muhiim ah xili boqortooyadda Ingiriiska ay goor dambe kusoo hanfariirtey arrimaha Soomaaliya. Dabcan jawaabta waxaa laga yaabaa in ay dhacayso Yuusuf Garaad laftiisa.

Arrinta ugu muhiimsan oo dad badan ay ku xusuustaan Yuusuf Garaad waa gacantii birta ahayd ee kaligii talisnimada ee uu ku maamuley BBC-da, su’aasha isweeydiinta lehna waxa ay tahay Soomaaliya ma u baahantahay kaligii taliye?.

Kaligii taliskii horey usoo maray Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo intii xukunkiisa uu jirey uu ku ilko ritey Yuusuf Garaad waxa uu lahaa naanees ama magic dadka u yaqiineen, kaasina waxa uu ahaa “Afweyne”, adigu maxaad Yuusuf ku naaneesi lahayd?. Ka waran ‘Naca Yuurura?’.

Arrinta walwalka badan leh ayaa ah in Yuusuf uu masraxa siyaasadda la imanayo aragtidii dalabta lahayd ee uu BBC-da ku hayay, markii dad ugu wardambeysayna dhaqankiisa xitaa lama amaanin ilaa heer dadka qaarkood ay gaareen gunaanad ah “Yuusuf kama turjumi karo diinta, dhaqanka, dhexdhexaadnimada iyo karaamadda ay tahay in uu yeesho qof noqonaya hogaanka Soomaaliya”.

Dhibka ugu weyn ee na heysta waa in uu yahay dadka tirada yare en garanayno, diwaankoodana heyno oo shacabka looga digi karo in ay halis ku yihiin, waxaa badan kuwa qurbaha kasoo hayaamaya ee garaadooyinka lagu taxayo.

FIIDSOOH
KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013
Statement of H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State and Government of IGAD 24 May 2013, Addis Ababa, Ethiopia‏
Jeneraal Saalax Makoma, taliye cusub oo loosoo magacaabay Jubadda Hoose
Madaxweynayaasha IGAD oo ansixiyey go’aankii wasiiradda
Wafti Xamar ka yimid oo Kismaayo gaaray maanta