KA:XAFIISKA QARAMMADA MIDOOBAY U QAABILSAN SOOMAALIYA
KU:DADKA SOOMAALIYEED
UJEEDDO:JAGO BANNAAN
Sidaad la socotaan waxaa ka bannaan dalka Soomaaliya jagada MADAXWEYNE,waxaana isu soo sharrixi kara qof kasta oo soomaali ah.Xafiiskayaga hadda talada waddanka haya waxaan dejinnay shuruudo laga rabo qofka jagada madaxweynaha hunguri ka hayaa inuu buuxiyo.Intaan ku hawlanayn arrimaha dib loogu soo celinayo qarannimadii Soomaaliya waxaan ogaannay dhawr arrimmood oo soomaalida u gaar ah;
1) In soomaalidu ka kooban tahay dhawr boqol oo qabiil oo u sii kala baxa dhawr kun oo jilib,loona soo gaabiyo 4.5(nasiib xumo ma annaan helin qof noo sharxa sida xisaabtan lagu soo saaray)
2) In jilib kastaa rabo in uu jagadan qabto qof jilibkooda ka mid ah kuna xeeldheer boobka iyo wax is dabamarinta(nin rag ah)
3) Inaan jilibna aqbalayn nin jilib kale ahi inuu jagadaan qabto,taasoo aan fahmi karno sababta(eeg qodobka lr.2 ee kor ku xusan)
4) In soomaalida dhaqankeedu ammaanayo qofka wax isdaba mariya ,laguna faaniyo .Qofka diiddan wax isdabamarinta waxay soomaalidu u taqaan wax matare.
Haddaba annagoo ka duuleyna aqoontaas nooga korortay dadka soomaaliyeed,isla markaana tixgelineynna dhaqanka soomaalida ee soo jireenka ah,waxaan goosannay in dadka isu soo sharraxay a xilkan muhiika ahi buuxiyo shuruudaha hoos ku qoran;
a)inuu ku abtirsado 4,5(tixgelin dheeraad ah ayaa la siinayaa haddii uu 4-ta ka mid yahay)
FG:Waxaa nagu maqaala ah in .5-ka abtirsigooda lagu wareersan yahay.
b)Inuu caddayn u haysto inuu horay xil u soo qabtay waxna isdaba mariyey(raggii magacyadooda lagu xusay warbixintii u dambeysay ee Monitoring Group si gaar ah baa arjigooda loo fiirinayaa).
c)Inuu soomaaliga qori karo akhriyina karo
d)Inuu muslim yahay(koofiyad ama wejiga bar kaga taal ayaa caddayn noogu filan)
FG:waa inuusan gar weyn lahayn si aysan AMISOM-tu u toogan.
Waxaan kula talinaynnaa qofka jagadan doonaya in jeebkiisu qoyan yahay.Sidaad ogtihiin waxaa jilib kastaa soo xulay xildhibaanno ay ragannimadooda ku kalsoon yihiin.Xildhibaannada ayaana u codaynaya ama dooranaya madaxweynaha.Dadka isa soo sharraxa ayagoon jeebkoodu qoyanayn waxaan u arkaynnaa qaswadeyaal aan tixgelineyn dhaqanka soomaalida.
Waxaa kaloo ayaduna xusid mudan,si aan habar kuulay kastaa isu soo sharrixin,inay jiraan rag aan muddo wada shaqaynaynay oo la yiraahdo saxiixayaasha Roadmap-ka,intooda badanina ay jagadan soo codsadeen.Raggan oo aannu barannay wax qabadkooda dheeraadka ah,si fiicanna loogu xusay warbixintii Monitoring Group-ka waxay leeyihiin fursad dheeraad ah maadaama aan horay u go,aaminnay inay iyagu awood gaar ah ku leeyihiin soo xulista xildhibaannada.Waxaan kaloo idinku baraarujineynaa in xildhibaannada badankoodu yihiin kuwii hore oo dadaalkooda horay loo ogaa,wada shaqaynna ay kala dhexeysay saxiixayaasha Roadmap-ka.Marka waxaan idin kula talinaynnaa inaadan isku soo luggoyn meesha,annagana waqtigayaga naga lumin.Waxaa lagu jiraa waqti kala guur ah oo aannu rabno in dalka si degdeg ah dawlad aan kumeelgaar ahayn loogu dhiso.Haddii intaasi ku qancin weydo waxaan kugula talinaynaa inaad u fiirsato xisaabtan yare ee ku ku tusaysa sida runtu tahay.Xafiiskayaga ayaa kuu fududeeyey haddii aadan adigu aqoon u lahayn wadaraynta;
Xildhibaannadu waa 275.Waxaad u baahan tahay codka 2/3 oo noqonaysa 183,3333.si aan u fududeynno waxaan ka dhigaynnaa 183 xildhibaan.Sida wararka suuqa madow sheegayaan qiimaha codka hal xildhibaan waa 20,000 dollar.Haddaba ugu yaraan waa inaad haysataa 3,700,000 dollar(saddex milyan iyo toddoba boqol oo kun oo dollar).Ragga aad la tartamaysid waa rag aan waxaasi uga duwanayn shaah cab.Waxaan u malaynayaa inaad garatay meesha warku u socdo.
Nin kasta iyo nasiibkii.
WADA SHAQAYN WACAN
Dr.MAHIGA sii hayaha xafiiska talada dalka Soomaaliya ee QM.
Tarjume:Abdirahman Elmi Hashi