Kn: Waxa loo yaqaano Stock Exchange ama Tusaha oo ah suuq saamiyada lagu kala iibsado ayaa markii ugu horeysay laga hergalinayaa Soomaaliya.
Talaabaddii ugu horeysay ee la qaaday ayaa ahayd saxiixa heshiis is afgarad ah oo dhexmaray ku xigeenka wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Ciid Maxamed iyo Suuqa Saamiyada (Tusaha) dalka Kenya ninka madaxda ka ah Peter Mwanga.
Heshiiska ayaa dhigaya in Nairobi Securty Exchange ay Soomaaliya ka caawiso hergalinta suuqani.
KismaayoNews.com