Kn: Qorshihii intii muddo ahba la hadal hayay ee ahaa in Magaaladda Kismaayo lasoo galiyo gacanta dowladda ka hor 20-ka bisha August ayaa dib u dhibey ugu yaraan bil kale.
Hadalkani waxaa laga soo xigtey Ra’isulwasaaraha Kenya Raila Odinga oo waraysi siiyey jariidada Financial Times.
Waxa uu sheegey Odinga in iyaga Kenya ahaan uu qorshahoodu ahaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Kismayao gacanta soo galiyaan, balse taliska AMISOM oo haatan ciidamada Kenya ay hoos tagayaan ay dib u dhigeen qorshahaasi illaa bisha dambe. Ma uusan cayimin waqtiga rasmiga ah ah.
Odinga waxa uu carrabka ku dhuftey in aysan wax guulo ah sheegan karin iyaga oo aanan Shabaabka Kismaayo ka saarin. Waxa uu intaasi ku daray haddii uu noqdo madaxweynaha Kenya in uu xooga saari doono xasiloonida gobolka oo dhan.
KismaayoNews.com