Shaqaaqo ka taagan musharixiinta madaxweynaha

Published: August 11, 2012

Kn: Waraadda arrimaha gudaha, ciidamada Police-ka iyo kuwa AMSISOM ayaa ku jira diyaargaroowgii ugu dambeeyey sidii ay ku xakamayn lahaayeen wax u muuqda qalalaase amaan oo fooda loo saaranyahay kadib jawi siyaasadeed oo xasaasi ah oo caasimadda ka abuurmey.

Shalay dadweyne farobadan oo isu soo baxay oo taageerayay musharaxa madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa risaaseeyey ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo qaab beeleed u abaabulnaa, waxayna dileen ugu yaraan labbo qof oo shacab ah.

Tani waxa ay keentey in ciidamada nabad ilaalinta Afrika ay Farmaajo ku wargaliyaan in wixii hadda ka dambeeya uusan dhiirogalinin isu soo bax shacab si loo illaaliyo amaanka magaalada oo aysan u dhicin wixii shalay dhacay oo kale.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale fariin uu gaarsiiyey musharixiinta ku sheegey in ololahooda ay ku koobaan xildhibaanada marka la dhaariyo maadaamaa iyaga ay yihiin kuwa wax dooranaya oo aysan shacabka waxbo dooranaynin.

Amaanka musharixiinta ayaa isagu ah hawsha ugu weyn oo xiligan soo foodsaartay dowladda iyo AMISOM, inkasta oo ay tahay xili daahsan oo qabanqaabo la galo, hadane wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in la diyaariyey ciidamo gaar ah oo amaanka musharixiinta suga.

Inkasta oo guud ahaan magaalada ay ka jirto xasilooni, hadane waxaa muuqata saansaan ciidamo qaab beeleed loo abaabulayo, kuwaasoo waliba ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana nagu maqaalo ah in madaxweynaha uu awaamiir gaar ah siiyey maxkamadda ciidamada qalabka sidda in ay hawlaheeda labbo jibaarto.

Shalay oo kale waxaa dhacday is rasaaseyn dhexmartay ciidamada dowladda dhexdooda, waxana ay ka dhacday halka ay degenyihiin gudiga soo xulista xildhibaanada iyo meel ay degenyihiin xildhibaano lasoo xuley oo tijaabo ku jira.

Hoteelada magaaladda waxa ay la ciirciirayaan dad badan oo hami siyaasadeed leh kuwaasoo badankood ka yimid dibadaha, waxaana la arki karaa fadhi ku diriryada oo si weyn u camirmey, dooduna ay tahay doorashada madaxweynaha iyo xildhibaanada.

Waxaa jira sheegashooyin dhanka kale tibaaxaya in kuraasta baarlamaanka lacag la kala siisanayo, tanina waxa ay cirka kusii shareertey xiisaddii markii horaba taagneyd.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kismaayo oo dagaal laga iclaamiyey
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013
Statement of H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State and Government of IGAD 24 May 2013, Addis Ababa, Ethiopia‏
Jeneraal Saalax Makoma, taliye cusub oo loosoo magacaabay Jubadda Hoose
Madaxweynayaasha IGAD oo ansixiyey go’aankii wasiiradda