Uganda oo Xamar geeysay ciidamo ka dheeraad ah intii loo qoondeeyey

Published: August 11, 2012

Kn: Illaa iyo 600 askari oo ka dheeraad ah intii loo cayimay in ay ka joogaan Soomaaliya ayay Uganda geeysay Soomaaliya, waxaana lagu amray in ay ciidamadaasi dib ula noqoto.

Laakiin amarkaasi oo laga joogo muddo sedex bilood ah ayaysan Ugadan illaa iyo hadda waxbo ka qabanin.

Taliska Midoowga Afrika oo ogaaday tirada askarta dheeraadka ah ayaa Uganda ku wargaliyey in ciidamadaasi ay xadgudub ku yihiin heshiiskii jirey, islamarkaasina aanan loo heynin miisaaniyad lagu daryeelo, haddii dagaaladda ay wax kasoo gaaraana aysan Midoowga Afrika mas’uuliyadooda qaadi karin.

Taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda Jeneraal Katumba Wamala ayaa baarlamaanka Uganda u sheegey in tirada dheeraadka ah ay ugu wacantahay ciidamada Kenya ka socda ee AMISOM kusoo biirey.

Xildhibaanada oo dhanka kale su’aalo weeydiiyey ayaa su’aalaha waxaa ka mid ahaa in uu ka jawaabo cabasho badan oo ka imanaysa ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga oo sheegey in mushaarkooda aysan helin. Su’aasha oo uu ka meermeerey in uu ka jawaabo.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013
Statement of H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State and Government of IGAD 24 May 2013, Addis Ababa, Ethiopia‏
Jeneraal Saalax Makoma, taliye cusub oo loosoo magacaabay Jubadda Hoose
Madaxweynayaasha IGAD oo ansixiyey go’aankii wasiiradda
Wafti Xamar ka yimid oo Kismaayo gaaray maanta