Shaqaaqo ka dhacday Johannesburg

Published: August 11, 2012

Kn: Boqolaal Police-ka dalka Koonfur Afrika ah ayaa ku baxay joojinta shaqaaqo culus oo caawo saqdii dhexe ka socotey magaalada Johannesburg xaafadda Mayfair halkaasi oo gacan ka hadal uu ku dhexmarayay Soomaalida iyo qoowmiyadda Oromada.

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena halkaasi Cabdinaasir Saxansoxo, dagaalka ayaa gaaray illaa heer rasaas la’isla dhacay, iyadoo dad ay yaalaan isbitaalada.

Gawaari iyo ganacsiyo badan ayaa cagta la mariyey labada dhinacba, iyada oo tuuryada iyo halgaadada ay dadka indhaha ka tuureyso, boqolaal dad ah ayaa labada dhinacba ka qeybqaadanaya shaqaaqada oo u eg mid faraha kasii baxaysa.

Wararka sida lagu helayo waxa ay shaqaaqada bilaabatay kadib markii haweeneey Oromo ah oo meel isgaarsiin Soomaaliyeed taleefoon ka dirsanaysay lagu dhex xirey goobta kadib markii la gaaray xiligii afurka, iyada oo gudaha ku jirta ayay dadkeedii wacatay, markii uu ninkii meesha lahaa yimidna waxa ay is gacan dhaafeen raggii gabadha ehelkeeda ahaa, waxaana dhacday in ninkii Soomaaliga ahaa uu rasaas la dhacay mid ka mid ah raggii Oromada oo isaga u tabar sheegtey.

Daqiiqado kadib boqolaal Oromo ah ayaa weerar kusoo qaaday Soomaalida oo badankood warmoog ahaa, waxaana dhacday in ganacsiyo iyo gawaari halkaasi yaalay la burburiyo, markii dambana rasaas ayay gaartay, iyadoo mar ka mid ah ay meeshaba u ekaatay Soomaaliya.

Sawiro iyo wixii kasoo kordha, barito kala soco KismaayoNews

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Labbo qof xoolo dhaqato ah oo lagu diley suuqa xoolaha Kismaayo
Xaawo Wiilo iyo seeygeeda Faarax Feyte ayaa dil ka geystey Kismaayo
Ciidamada dowladda ee Kismaayo oo taliskooda la’isku heysto
Madaxweynaha Jubbaland oo wafti qaabiley
Haweeney Kismaayo ku dishey 2 askari