Wasiiradda oo laalay 16 degmo oo uu madaxweynaha magacaabay

Published: August 11, 2012

Kn: Loolanka ka dhaxeeya madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isulwasaaraha Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray heer ay iska dabo shaqeeyaan.

Illaa bishii July iyo hadda dhexdooda, madaxweynaha ayaa si halhaleel ah ku magacaaba 16 degmo oo horey u ahaa tuulooyin shacabka ku dhaqan aysan xitaa 5 kun gaaraynin, waxayna ahayd talaabo dadka siyaasadda u dhuun duleela ay ku tilmaameen mid madaxweynaha uu ku kasbanayo codka beelaha qaar oo in ay isaga u codeeyaan ku xirey in marka hore uu degmo u magacaabo.

Laakiin golaha wasiiradda fadhi ay yeesheen khamiistii ayaa war laga soo saaray oo uu ku saxiixnaa Ra’isulwasaaraha waxaa lagu sheegey in dhamaan degmooyinkaasi ay yihiin waxbo kama jiraan, kheeyru sharci, iyo mid aanan loo marin nidaamkii saxda ahaa.

Inkasta oo talaabada golaha wasiiradda dad badan ay soo dhaweeyeen maadaamaa meelaha degmooyinka loo magacaabay aysan ahayn kuwa u qalma, islamarkaasina buuxiyey shuruudihii degmonimo ayaa hadana waxaa jira dareen guud oo ah in ay tahay talaabo siyaasadeed oo muujineysa xifaaltanka ka dhaxeeya.

Marka degmo la magacaabayo ma ahan oo kaliya wax ku xiran in uu madaxweyne magacaabo, ee waxaa jira shuruudo ay tahay in meeshaasi laga helo, waxaana ka mid ah tirada dadka, baaxadda dhulka ay degmadaasi xukumi karto, iyo waliba tan ugu muhiimsan oo ah dhaqaalaha degmadaasi si ay u noqoto mid kaabi karta adeegyadda dadka ku dhaqan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Press Release: Statement from Jubaland State of Somalia
Maamulka Jubbaland “Timirtii horaba dab loo waa”
War saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland oo lagu ogolaaday war murtiyeedkii IGAD
Kismaayo oo dagaal laga iclaamiyey
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013