Hiil Qaran iyo Yuusuf Garaad?

Published: August 12, 2012

Kn: Waxaa jira warar soo baxaya oo ka hadlaya in tifaftirihii hore ee BBC-da laanta Afka Soomaaliga uu ku biirey xisbiga Hiil Qaran.

Yuusuf Garaad oo 48 saac gudahood ku laabtay dalka markii uu shaqada BBC-da ka tagay, ayaa jimcihii waxaa soo dhaweyn diiran uu ka heley hogaamiye kooxeedkii Xamar Yuusuf Siyaad Indhacade sida sawirka ka muuqata.

Hiil Qaran oo ah xisbi sumcad badan leh, ayaanan ka jawaabin Yuusuf Garaad oo dad badan ay ku naqdiyaan cadaalad darro iyo qabyaalad.

Dad aan la hadalnay ayaa noo sheegey in aysan layaab ahayn in Yuusuf Garaad uu Hiil Qaran ka mid noqdo maadaamaa Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ay ahaayeen codadkii ugu badnaa ee BBC-da laga maqlo mudadii 13-ka sanno ahaa ee uu Yuusuf madaxda ka ahaa idaacadda, sidaasi darteedna la odorosi karo xiriir dhow oo gunta u qodan.

Yuusuf ayaanan wali ku dhawaaqin damaciisa siyaasadeed, waxase aad loo filayaa in uu madaxweynenimo isu sharaxo ama u ololeeyo in uu Ra’isulwasaare noqdo.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabaas oo laga direy Kismaayo
Kenya oo soo dhaweysay Jubbaland
Madaxweynaha “Midnimada Soomaaliya waa lama taabtaan” “”
Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo gacan siinaya Jubbaland
Ximan iyo Xeeb oo sheegtey in aysan waafaqsanayn Jubbaland