Zamzam Maxamed “Calanka aan qaaday dartiis ayay nafteeda halis ugu jirtaa”

Published: August 12, 2012

Kn: Labbo dhalinyaro ah oo Soomaaliya oga qeybgalay tartanka olimbikada aduunka ee London ayaa qirey in ay la kulmeen hanjabaado badan tan iyo intii ay ka qeybgaleen tartanka.

Maxamed Xassan Maxamed iyo Zamzam Maxamed Farax ayaa laakiin beeniyey warar horey usoo baxay oo sheegayay in ay magangalyo weeydiisteen dowladda Britain cabsi darteed, waxayna sheegeen in khamiista soo socota ay ku laabanayaan Xamar.

Zamzam ayaa dhankeeda sheegtey in qoyskeeda xitaa loo hanjabay, islamarkaana loo sheegey in la dili doono.

Zamzam waxa kale oo ay ka cabatay in maadaamaa ay iyadu sidey calanka Soomaaliya markii ciyaaraha furmayeen ay taasi ka dhigtey bartilmaameed gaar ah, siina kordhisey halista ay nafteeda ku jirta, waxa ay intaasi ku dartay in fariimo lagu soo direy Facebook-ga iyo Taleefoono loogu hanjabay in la dili doono.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Madoobe oo yimid Nairobi
Muwaadhiniinta K/Afrikaanka ah ee lagu diley Soomaaliya oo tiradoodu korortey
Government condemns senseless attack on UN
AMISOM condemns attack on UNCC compound in Mogadishu
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar