Alshabaab “Waraabo ma ahan ee waa bahal u eg”

Published: August 13, 2012

Kn: Xarakada Alshabaab ayaa sheegtey in hilibka Kismaayo laga cuno uusan ahayn dhirwaa balse uu yahay bahal kale oo xalaal ah oo aysan iyagu aqoonin waxa Afsoomaaliga lagu yiraahdo.

Qoraal ay soo dhigeen mid ka mid ah bogagooda rasmiga ah ayay ku sheegeen in bahalkaasi aanan magaca lahayn ee balse “xalaasha ah” sida ay hadalka u dhigeen uu yahay mid siweyn ugu badan Soomaaliya, dadkuna aysan kala garan karin dhurwaa iyo waxa uu yahay.

Hadalka Shabaabka ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii ay soo baxday in hilibka dhurwaaga lagu cuno magaalada Kismaayo, islamarkaasina subagiisa la isticmaalo.

Warbixin uu soo daabacay wargeyska Kismaayood ayaa lagu soo xigtey dad kismaayo ku sugan oo leh “in Shabaabka ay cunista hilibka waraabaha lasii qabsanayaan xili ay isu diyaarinayaan in ay duurka ka jabhadeeyaan halkaasi oo aysan joogin ugaar aanan dhurwaaga ka ahayn oo ay ugaarsan karaan

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Duulimaadkii Kismaayo iyo Xamar oo dib u furmey
Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Taabdo, Jubadda Hoose
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia
Norway “Kenya kuma taageereyno qaadashada dhul Soomaaliyeed”