Shariif Xassan oo furka ku tuurey wasiir Xoosh

Published: August 13, 2012

Kn: Filim lasoo dhigey shabakadda Youtube iyo baro kale oo Soomaaliyeed ayaa muujinaya gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan si kulul ula hadlaya wasiirka dastuurka.

Wasiirka Dastuurka Jibriil Xoosh oo gacanta ku haya soo xulista xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa filimka ka muuqda isaga oo ay si kulul u wada hadlayaan Shariif Xassan.

Shariif Xassan ayaa wasiirka kala hadlaya shuruuda ah in qofka baarlamaanka galaya uu heysto shahaadada dugsiga sare “sow ma ogid waxani in ay suuqa yaalaan oo lasoo iibsan karo”, isaga sii dhaqaaqaya ayaa waxaa la arkayaa isagoo u hanjabaya wasiirka oo leh “waad arki doontaa”.

Shariif Xassan ayaa ka xanaaqsanaa xildhibaano uu isaga soo gudbiyey oo dib loo celiyey iyadoo sababtu tahay aqoon daradooda iyo iyaga oo aanan shahaado heysan.

Markii KismaayoNews ay booqatay filimka Youtube waxa ay booqashada maraysay 25 kun, 381 qof, waxaana filimka Youtube lasoo dhigey 6dii bishan, balse maanta ayuu si weyn usoo shaacbaxay filimka.

Arrintani ayaa muujineysa jawiga aan fiicneyn ee Xamar ka jira iyo sida la’isu wada heysto.

Shalay ayay gudiga xulista baarlamaanka dib u celiyeen xildhibaano dambiyo dagaal galay iyo kuwa damanayaal ah oo aan tacliin lahayn.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Hordhac : Xog aan ka helney gudigii xaqiiqo raadinta IGAD ee Kismaayo tagay
Duulimaadkii Kismaayo iyo Xamar oo dib u furmey
Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Taabdo, Jubadda Hoose
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia