Kn: Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxaya dayuuradihii Uganda ee Kenya ku burburey ayaa sheegaya in 8 askari nolol lagu heley, halka afar tobon kale wali la baadi goobayo.
Mid ka mid ah dayuuraha ayaa gudabatay, halka waxa ay ka raaracdaa meel qar ah, midna ma aysan gubanin.
8 ka mid ah askarta ayaa la heley kadib markii ay kasoo lugeeyeen meeshii dayuurada kula dhacday oo ahayd meel keyn ah oo ay ku noolyihiin dugaag badan oo duurjoog ah.
Nin ka tirsan askar maroodiga Kenya oo qeyb ka ahaa hawlaha gurmadka ayaa sheegey in uu arkay meydka labbo askari.
Wali waxaa socda hawlgalka lagu baadigoobayo askarta maqan, iyadoo la adeegsanayo eeyaha wax uriya, waxaana xaaladda oga sii daraya meesha keynta ah ee wax kaga baadigoobayo oo ah meel duur jiq ah.
Dayuuradahan oo afar ahaa, oo ay saarnaayeen 28 askari ayaa kusoo jeedey gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo ay ka qeybqaadan lahaayeen hawlgal ciidan oo ka dhan ah Kismaayo.
KismaayoNews.com