Kaambooni “Kismaayo ka hor, maamul hala dhiso”

Published: August 14, 2012

Kn: Afayeenka xarakada siyaasadeed ee Raaskaanbooni Cabdinaasir Seeraar ayaa Nairobi ka sheegey in duulaanka Kismaayo dib loogu dhigey in marka hore maamul la sameeyo.

Waxa uu sheegey in aysan munaasab ahayn in Kismaayo la galayo iyada oo uusan jirin maamul loo dhanyahay, kadibna ay taasi keento isqabqabsi xagga maamulka.

Hadalkiisa waxa uu kusoo beegmayaa iyada oo uu Nairobi ka socdo shirkii maamul u samaynta Jubbooyinka, wararka soo baxayana ay sheegayaan in uu marayo meel gabogabo ah.

Warar ay heshey KN ayaa sheegaya in waxyaalaha la’isku waafaqay ay ka midyihiin tirada ay noqonayaan ergada ka qeybgalaysa shirka kama dambeysta ah ee madaxweynaha lagu dooranayo, dhowr boqol oo ergo ayay noqonayaan.

Dhanka Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa ka taagan xaalad gabi dhacleyn ah, iyada laga soo sheegayo cunto yaraan ba’an, qafaalka dhalinyada dagaalada laga qeybgalinayo, qax iyo waliba sicir barar aanan waligiis la arag.

Duqeyntii dhawaan xagga badda looga geystey magaalada oo ay dadka rayidka ah ku dhinteen ayaa dhalisey dood culus, iyada oo cid kasta ay iska fogeysay mas’uuliyadda duqeyntaasi, wakiilka Maraykanka u qaabisan Soomaaliya James Swan waxa uu iska fogeeyey in dalkiisa ay inaba lug ku leeyihiin waxa dhacay, halka afayeenka AMISOM Cali Aadan Xaamud uu isagana iska fogeeyey in ciidamo AMISOM ka amar qaata ay gacan ka geysteen gantaaladda aanan loo meel dayin.

Haddii ay noqoto in dib loo dhigo hawlgalka Kismaayo waxa ay weeydiinta tahay illaa muddo intee la’eg ayuu dib u dhaca noqonayaa, muddo intee la’eg ayaana maamul loo dhanyahay lagu soo dhisi karaa Jubbooyinka.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maamulka Jubbaland “Timirtii horaba dab loo waa”
War saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland oo lagu ogolaaday war murtiyeedkii IGAD
Kismaayo oo dagaal laga iclaamiyey
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013
Statement of H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State and Government of IGAD 24 May 2013, Addis Ababa, Ethiopia‏