Foolxumaddii Waraabaha, fari kama qodna!

Published: August 15, 2012

Kn: Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida waxaa ka buuxa sheekooyin iyo maahmaahyo ku saabsan dhurwaaga, waxaana ka mid ah hadal la yiri dhurwaaga ayaa laga soo xigtey oo uu leeyahay “xoolaha haddii aan ka garan lahaa kuwa ay dumarka leeyihiin maanan cuneen”.

Soomaalida waxa ay aad u aaminsatahay in waraabaha uu fahmo hadalka dadka oo uu habeenkii inta soo istaago boodka reeraha miyiga waxa ay ku hadlayaan uu dhagaysto, waxaana la yiri in uu mar kasta maqlo dumar u hadaaqaya “alla waa waraabihii rideydii hebla cuney” marka ay maqasho dhurwaa ciyaya.

Ma isleedahay in waraahaba uu hadda sidoo kale isweeydiinayo “haddii aan dhulka ka garan lahaa meesha ay ka maamulaan Alshabaab kamaba ag dhawaadeen”.

Malo awaalkan waxa uu imanayaa xili cunista hilibka waraabaha iyo ugaarsigiisa uu aad ugu soo badanayo magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Kismaayo oo ay ku badanyihiin dadka quraafaadka aaminsan ayaa waxaa la sheegey in dadka laga dhaadhiciyey in hilibka waraabaha iyo subigiisa lagu dhaawo jinka, islamarkaasina uu dawo u yahay cuduro ay ka midyihiin juudaanka, waraaboowga iyo kuwa kale.

Dad badan oo ku dhaqan magaalooyin kale oo dalka ah ayaa waxa ay isweeydiinayaan dhadhanka hilibka waraabaha?

Su’aashani waxaan weeydiiney dad cuney balse ka xishoonaya in ay magacooda sheegaan, waxa ay noo sheegeen in uu la dhadhan yahay hilibka ariga ee dheeylaha.

Qoys magaalada degen ayaa dhanka kale u sheegey in gabi ahaanba ay joojiyeen cunista hilibka xoolaha oo dhan, kaliyana ay ku ekaadaan hilibka kaluunka kadib markii ay ka wiswiseen hilibka dhurwaaga oo la sheegey in ka keeno suuqyada hilibka qaarkood.

Arrintani waxa ay suuq cusub iyo shaqo u abuurtey dadka danta yar qaarkood oo hadda subixii u kalaha miyiga, kuna dhaxa habeeno dhan si ay usoo ugaarsadaan dhurwaaga, balse arintani waa mid halisteeda leh xag amaan maadaamaa dad rayid ah oo hub wata ay dhalin karto shaki keena isku dhac xoogaga Alshabaab ee irdheysan ee difaaca kaga jira miyiga Jubbada Hoose, qaarkoodna isu diyaarinayaan jabhadaynta.

Dad ku jira xerooyinka loosoo barokacay oo ay baahi iyo cunno yaraan heyso ayaa iyagana la sheegey in ay ugaarsi tageen dhurwaaga maadaamaa uu yahay xayawaan aanan la kala xigin oo duur-joog ah.

Hilibka kawaanada lagu qalo waa mid ka mid ah illaha maamulka Alshabaab ee Kismaayo ay kasoo gasho canshuurta, waxaana la odorosi karaa in hilibka waraabaha iyo ka ganacsigiisa ay ka dhigantahay canshuur u korortey Alshabaab.

Inkasta oo ay dad badan ka hanfariireen warka ku saabsan cunista hilibka waraabaha ayaa hadane waxaa jira dad kale oo badan oo xoolo dhaqato ah oo ku farxay in la heley cid sideedaba ugaarsata ugaarsadaha ugu weyn ee xoolaha Soomaalida cirib jaray muddo qarniyo ah, waxayna u arkaan in tani ay ka dhigantahay xal waara oo loo helo dhibaatada waraabaha.

Gobolka Jubbada Hoose oo si weyn caan ugu ahaan jirey duur-joogta iyo ugaarta ayaa xiligan ay ka haajireen intii badneyd xayawaankii intii ka badbaaday ugaarsiga dadka, waxaana jirta in xayawaan badan oo ku jira keeymaha Kenya ay yihiin kuwa Soomaaliya ka xaajirey sida maroodiga.

Waxaaba jirta hees uu qaaday Cabdi Salaad Beerdilaacshe oo ay ku jiraan erayada ah “Maroodiga Afmadoow iyo ugaarta joogta Waamo”, waxaysa hadda u egtahay in dhurwaaga oo ka haray xawaankii badnaa ee gobolka joogi jirey hadda uu ku biiri doono kuwa u haajirey keeymaha Kenya.

Waraabaha oo ah noolaha kaliya ee dhibkiisa ku qosla ayaanan la ogeyn ugaarsigiisa sida ay u cirib jari karto tiradiisa shan jibaarantay.

Magacyo badan ayay Soomaalida u taqaanaa dhurwaaga, waxaana ugu caansan naaneesta ah “Huuraale”, waxaa la yiri “Waraabe ama lag hay ama laan hay” taasoo loola jeedo in marka uu soo jeedanaya uu raadiyo hilib uu cuno, marka uu hurdayana uu qaniino laan ama geed jiridkiis si aysan isugu dhagin ilkihiisa oo la sheegey in huuro darteed ay sidii koolo isugu dhagayaan haddii uusan sidaasi yeelin.

Waraabaha waxa ay bah wadaag yihiin libaaxa marka laga hadlayo habar dugaag waxyaalaha lagu amaano waxaa ka mid ah in uusan cunin wax uusan isaga dilanin, halka dhurwaaga bakhtiga iyo barta nool aysan u kala ahayn.

Halkani waxaa ah sababweyn oo looga walwalo illaa heerka uu caafimaad qabo hilibka dhurwaaga, waxaana su’aal laga keeni karaa cidda qaadaysa mas’uuliyadda dhibaatada caafimaad ee ka dhalata cunistiisa iyada oo dalka ay ka jirta dhibaato weyn oo xagga adeegga caafimaadka ah, dadka inta badana aysanba awoodin in ay isbitaal tagaan cudur kasta oo haya?.

Culumada waa ay ku kala aragti duwanyihiin xaaraan iyo xalaal midka uu yahay, waxaana jira labbo xadiis ku jira saxiixu muslimka oo sheegaya in ay xaaraam yihiin wax kasta oo mici iyo ciddi ku ugaarsada, iyo xayawaanka ilkaha kore leh marka laga reebo dhurwaaga. Culumada qaarkood ayaa qaba in dhurwaaga loola jeedo uu ahaa mid noolaa xiligii asxaabta oo ku ekaa cunista xoolaha oo kaliya, oo aanan cuni jirin dadka iyo bakhtiga.

Inta la xusuusto taariikhda gobolka Jubbada Hoose waxaa jirey hal qoys oo waraabo qashay, waxayna ku sigteen in la takooro haddii aysan ahaan lahayn qoys culumo ah.

Mar sanado dhaxdaas ah oo aan fogeyn magaalada Gaarisa waxa xabsiga loo taxaabay nin soo qalay hilibka waraabaha oo keeney kawaanka kadibna dadka si qarsoodi oga iibiyey.

Gunaanadka sheekadan oo dabcan aanan halkan ku dhamaan doonin, ayaa waxa ay tahay maahmaah dhurwaaga laftiisa loo tiriyo in uu dhahay oo ah “maxay ka nuugtaa, maxayse ku nuugtaa” kadib markii uu candhada ka goostey hal irmaan, ilmihii ay dhashayna faruuryaha ka goostey.

Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo)
Email: saxansoxo1@hotmail.com

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Duulimaadkii Kismaayo iyo Xamar oo dib u furmey
Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Taabdo, Jubadda Hoose
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia
Norway “Kenya kuma taageereyno qaadashada dhul Soomaaliyeed”