Kn: Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi ayaa ka qeybgalay munaasabad balaaran oo u Ra’isulwasaarihii hore ee DKMG ah Cali Maxamed Geedi ku shaacinayay musharaxnimadiisa madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Arap Moi oo jeeniqaarsanaa calanka Kenya, oo garab taagan Cali Maxamed Geedi sida sawika ka muuqata oo isagana calanka Soomaaliya jeeniqaartey ayaa hogaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqay in ay Soomaaliya ka samatabixiyaan marxaladda dagaal ee ay ku jirto.
Cali Maxamed Geedi ayaa Ra’isulwasaare ka noqdey dowladdii lagu soo dhisey Nairobi 2004tii shir dib u heshiisiineed oo uu fikradiisu lahaa Arap Moi oo ay xusid mudantahay markii uu xilka ka dagay in uu sheegey in aysan Kenya waligeed daacad ka ahayn arrimaha Soomaaliya.
Cali Geedi ayaa sheegey haddii la doorto in uu ka shaqayn doono dib u heshiisiinta iyo horumarinta dalka.
Cali waxa uu ku biirayaa lixdan iyo dhowrka musharixiinta madaxweynenimo.
KismaayoNews.com