Kn: Madaxweynaha DKMG ah Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sheegey in xukuumadda uu Ra’isulwasaaraheeda musharax madaxweyne yahay in aysan wax saameyn ah lahayn go’aanadeeda, islamarkaasina shaqadii xukuumadda ay sharci ahaan joogsatay.
Waxa uu hadlayay isaga oo kasoo laabtay shirkii wadamada Islaamka ee Siucuudiga ka dhacay ee lagaga hadlayay marxaladda dalka Suuriya.
Sheekh Shariif waxa uu ka jawaabayay su’aalo ku wajahnaa Ra’isulwasaaraha iyo xukuumadda oo waxbo kama jiraan kasoo qaaday go’aan madaxweynaha uu ku magacaabay wax ka badan 16 degmo oo dalka ka tirsan.
Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya shan maalmood uun xili ay ka dhimantahay xiliga loo qabtay in kala guurka looga gudbo oo lasoo doorto madaxweyne cusub.
KismaayoNews.com