Kn: Waraabuhu waa xaywaan duur joog ah oo dugaag hilib ku nool ah , waa xayawaan ilaa tariikh fog la yaqaanay, nooca hada jirana waxa loo kala saara sadex nooc( species), iyadoo loo egayo muqaalkiisa, waa nooca dhogorta diilimaha madaw leh ( Striped Hyena), nooca dhogorta baraha madaw leh (Spotted Hyena) iyo nooca dhogorta midabka cawlka ah leh (Brown Hyena)
Dhulka Soomaalida hada ahaan waxa laga helaa nooca baraha leh, inkasto kan diilimaha leh meelaha qaar lagu arko, kaas oo u badan dhinaca bariga dhexe, waraabuhu wa xayawaan aduunka oo dhan laga yaqaano, dhaqamada kala duwan ee bulshooyinka calamkana waxay u muuqdan inay fikarado isku dhaw ka aamisan yihiin taas oo u badan inu yahay xayawaan lagu xidhiidhiyo Jinka iyo sixirka, oo awoodo kale oo u wato.
Cilmi ahaan waraabuhu waa xayawaan si gaar ah farta loogu fiiqo dhinacyada hab nololeedkiisa isagoo lagu tilamaamo inu leeyahay waxyaabo badan oo isaga u gaar ah, inkasta oo aan ilaa hada waxyaabo badan laga aqoon hadana waxa la isku raacsan yahay inuu yahay mid cudurada kala duwan aad ugu adkaysi badan, marka loo eego waxyaabaha uu cuno, waxa la sheegu inuu maalinkasta cuno tiro aad u badan oo ah walxo ku sadhaysan waxyaabaha cudurada halista ah dhaliya sida bacteria, virus , fungus iyo dulinada kale sida gooryanada.
Waxana la tuhunsan yahay inuu leeyahay awood aad u saraysa oo dhinaca difaaca jidhka ee cudurada la xidhiidha, waxa la aaminsan yahay in waxyaabaha uu cuno hadii in ka yar far iyo suul ay qof afkiisha gasho uu u dhiman karo mudoo 12 ku siman heerka suntu gaadhsiisan tahay, mar jiirka lagu tijaabiyay wuxu ku in shan sacad ka yar.
Badhitano arintaa ku saabsan oo baryahan dambe aad u socdana waxa ka soo muuqda in alaah awoodo dheraad u siiyay inuu jidhkiisu soo daayo dheecaano ka qayb qaata la dagaalanka cudurada sida tan lo yaqaano Host Defense Peptides HDP, oo noocyo badan ah, waxa intaa dheer in warabaha loo aqoonsan inu yahay mid kaalin aad u muhiima kaga jira dhica isku dheelitirka nolosha duurjoogta, ee wild life ecosystem lo yaqaano isagoo waliba awoodihiisa dheraadka ah degaanka kaga caawiya naadiifinta waxyaabaha hadhaaga ah ee aan dhayal u dhamaan sida lafaha oo kale, waxa la ogsoon yahay inuu waraabuhu mucjiso ku qabo dhanka dheefjiidka oo waxakasta oo uu cuno ay calooshiisu burburiso, cunida lafa ka sakaw waxa la sheega inuu xataa cuno mararka qaar biraha sida aluniumka iyo xadiidka yaryar.
Hadii aan u so noqono arinka ku saabsan in baryahan dambe ay soo if baxayso dadka somalida qaybo ka mid ahi bilaabeen inay caadi u cunaan hilibka waraabaha, waa mid ku cusub dhaqanka somalida, iskasta oo sida culimada qaar sheegeen ay banaan tahay xalaalna ay tahay , hadana waxa la is waydiinayaa waxkasta oo xalaal ah somalidu ma cunte maxaa hada is badalay, oo xataa waxa u caado ah Somali inaanay cunin qaybo badan oo hilibka xoolaha caadiga ah inakastoo ay xalaal yihiin, waxay arint u muuqataa in somalida hada uun ku baraarugen dhaqamo bulshooyinka kale hore uga jiray oo siiba dhamaanaya, kuwaas oo ah in la aaminsanaa inuu waraabuhu dawooyin u yahay waxyaabo badan sida isha , sixirka iyo waxyaabo kale oo khurafaad ah, sida muuqatana arintaa cunista hilibka waraabuhu waxay horseedi kartaa, khataro caafimaad , aniga oo ka duulaya aqoonta aan u leeyahay dhinaca cudurada dadka iyo xawayaanku isku gudbin karaan, si gooni ahna u bartay maadada ka hortaga iyo xakamaynta cuduradaa xawaanku dadka qaadsiin karaan ( Epidemiology of Zoonotic Diseases) waxaan si aada uga digayaa in aan la dhayalsan khatarta daba socota cunista iyo isku dawaynta hilibka ama qaybaha kale ee jidhka waraabaha, waxad moodaa in qalad loo fahamay in mar hadii uu waraabuhu iska difaaci karo cudurada , aan cuduro laga qaadi Karin , waxa jira oo la yaqaana waxyaabo badan oo cuduro khatar dadka ku keeni kara inay warabaha jidhiika iskaga jiraa kuna nool yihiin kuwaas oo waliba laga yaabo inay isaga waxtar u leyihiin, sidaa daraadeed waxan u soo jeedinayaa dadka la sheegayo inay isku dayeen inay cunaan hilibka waraabaha inay arintaa si wayn uga fiirsadaan, hadii ay ka fursan waydana ay ka fogaadaan waxyaabaha uur-ku-jirta ah gaar ahaan dheef mareenka iyo wixii ku hadha markii la dilo, hilibkana ay si aad ah iskaga kariyaan, waxa loo baahan yahay in dhawr sacdood lagu kariyo heerkul darajada 70 C ka badan.
Sida la og soon yahay waraabuhu waa dugaag sida loo soo qabtana ay adag tahay sidaa daradeed xataa hadii uu xalal yahay habka loo qali karaa waa mid aad u adag, sida ugu fudud ee lagu dilaana waa toogasho, arintaa oo intaa aanu dhiman horseeda inuu hilibkiisu isku badalo sun dhecamada kimikaad ee jidhkiisa soo daayo iyo waliba waxyaabaha qudhunka ah ee wali calooshisa ku jira awgeed.
Mohamed Nuh ( Dr, Xayd)
hangol@live.com
| UGU DAMBEEYEY |
| FIIDSOOH : Riman iyo Ceeb |
| Madaxweynaha Jubbaland oo Kenya u duulaaya |
| Baarlamaanka oo la aamusiiyay |
| Ciidanka Jubbaland oo hawlgalay |
| Somalia and the slippery slope of ‘Jubbaland’ |