Kn: Iyada oo maanta gudiga soo xulista baarlamaanka ay soo gudbiyeen liiska 202 xildhibaan oo galaya baarlamaanka Soomaaliya ayaan waxaan si gaar ah ugu fiirsanaynay magacyada micnaha samaynaya ee meesha ka maqan ama ku jira.
Alifbeetaha
Sidii horey u dhici jirteyba waxaa muuqata in gef weyn uu ka jiro xagga alifbeetaha afka Soomaaliga marka laga hadlayo sida loo daabacay magacyada xildhibaanada.
Waxaa la isticmaalay Afsoomaali iyo English isku dhaf ah, iyada oo xildhibaanada qaarkood la siiyey naasnuujin marka ay timaado kala hormarinta magacyada oo aanan micno weyn samaynaynin marka laga reebo in lagu hardamayo sidii liiska loogu kala hormari lahaa si la mid ah sida loogu tartamayo madaxnimada dalka.
Sida aad ka arki kartaan liiska aan daabacnay, beesha Daarood oo kale waxaa ugu horeeya Ra’isulwasaare Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, halkii magaciisa laga bilaabi lahaa shibanaha “C” ayaa laga bilaabay kan ah “A”, sidaas ayuu ugu hormaray, halka xildhibaano kale oo magacoodu Cabdi uu ku biloowdo liiska laga galiyey “C”.
Alifbeetaha Afka Soomaaliga waxa uu ka biloowdaa xarafka B, balse liiska waxa uu ka biloowdaa “A” oo ah xarafka uu ka biloowdo alifbeetaha English-ka.
Magacyada waxaa ku jira magacyo badan oo ka biloowda “X” sida Xassan oo kale, haddii English la isticmaalayo waxay ahayd in ‘H” lagu hingaadiyo, balse liiska sidii uu ahaa ayaa “X” looga bilaabay.
Arrintan wax layaab leh ma ahan, sababtoo ah madaxda dalka baasabooradooda xitaa magacyada waxa ay ugu qoranyihiin hingaadda alifbeetaha Englishka.
Shaqsiyaadka muhiimka ah
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan, Ra’isulwasaaraha Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ku xigeenkiisa Cabduwahaab Ugaas Khaliif, siyaasiga caanka ah Xassan Abshir Faarax, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa ka muuqda liiska.
Waxaanan liiska ku jirin madaxweynaha DKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isulwasaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo beeshiisa Mareexaan ay wali isku heysato liiska la gudbinayo.
Cabdisataar Sh. C/salaam Sh Xasan Barsame oo kasoo jeeda qoyska caanka ku ah halgankii xoreynta dalka loo galay ayaa isaga liiska ka muuqda, halka Sacdiyo Careys Ciise Kaarshe, gabadh uu dhalay gabyaagii caanka ahaa Careys Ciise Kaarshe ay iyagu liiska ku jirto, Asli Calan Side oo ahayd gabadhii ugu horeysey oo dayuurad kicisa Soomaaliya iyo Injineerad Sahro Macalin Bashiir, gabadh uu dhalay barasaabkii Kismaayo oo la filayay in ay liiska soo galaan aanan wali magacyadooda lasoo daabicin, waxayna tani ka turjumeysaa in beesha Daarood ee ay kasoo jeedaan ay kaliya soo gudbisey 2 gabdhood, halka laga rabay 12 hablood.
Prof. Saalim Caliyoow Ibroow, Injineer Maxamuud Maxamed Baanoow, Drs. Foowsiyo Maxamed Sheekh iyo Mohamed Nuuraani Bakar ay ugu cadcadyihiin beesha Digil iyo Mirifle.
Khadiijo Maxamed Diiriye, Maxamed Cumar Dhalxa iyo C/weli Ibraahim Sheekh Muudey oo ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa beesha Shanaad ugu cadcad, mana ahan mid lagu kadsoomay in liiska beesha shanaad loogu soo hormariyo liiska dhan, balse ma ahan taasi mid meesha ka saaraysa cuqdada ka dhalatay qeybta quursiga ah.
Maxaa dhacaya hadda?
In lasoo gudbiyey 202 xildhibaan oo la ansixiyey waxa ay ka dhigantahay in maalinta isniinta ah uu baarlamaanka fariisan karo, iyada oo tirada loo baahanyahay ay tahay 184, waxna dooran karo iyada oo aanan lasoo dhamaystirin xildhibaanada dhiman.
Illaa 40 xildhibaan oo isla maanta la gudbiyey ayay gudiga darsayaan xaaladooda, waxaana muuqata in inta badan hogaamiye kooxeedyaddii laga reebey liiska xildhibaanada.
Barito oo ah maalin ciid ah uma badna in la arko fajacisooyin siyaasadeed oo dhaca iyada oo dad badan ay dhegta u taagayaan waxa ay fali doonaan hogaamiyeyaal laga reebey baarlamaanka oo maanta qaarkood u ambo baxay gobolada dalka oo ay kasoo jeedaan.
KismaayoNews.com
| UGU DAMBEEYEY |
| FIIDSOOH : Riman iyo Ceeb |
| Madaxweynaha Jubbaland oo Kenya u duulaaya |
| Baarlamaanka oo la aamusiiyay |
| Ciidanka Jubbaland oo hawlgalay |
| Somalia and the slippery slope of ‘Jubbaland’ |