Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika oo hambalyo ciid direysa

Published: August 18, 2012

Kn: Fariintan waxa ay ka timid safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Mudane Sayid Sheriff, waxaanan idinkugu soo gudbineynaa sidii ay u qorneyd.

CIID MUBAARAK

Safiirka Soomaliya ee dalka Koonkur Afrika Danjire Sayid Sheriff waxuu hambalyo iyo salaam diiran u dirayaa dhamaan Umadda Soomaliyered ee ku nool Degmooyinka,Gobolada iyo Lokeeshenada dalka Koonfur Afrika in ay ku ciidaan farxad iyo barwaaqo Ciida Soonfur (Ciidul Fitri).

Danjire Sayid Sheriff waxuu Somalida reer K/Afrika ku bogaadinayaa in ay ilaaliyaan midnimadoodi iyo wadajirkoodi si ay u gaaraan himilooyinkoodi iskana ilaawaan qilaafaadka aan qiimaha lahayn ee ragaadiyay dadnimadoodi iskuna kalsoonaadaan.

Danjire Sayid Sheriff waxuu Soomalida K/Afrika ugu bishaareeynayaa in ay Safaaradda ay si degdeg u furmi doonto isla markaasina ay rasmi ahaan u bilaabi doonto guud ahaan adeegii laga sugaayay. Waxaa Farxad leh in ay Safaardaay haatan haysato shaqaale karti leh oo howshaasi fulin doono, ayadoo qalabkii loo baahnaana ee socdaalkuna (Immigration System) uu dhowaan ka soo degi doono magaalada Johannesburg.

Danjire Sheriff waxuu dhamaan Soomalida reer K/Affrica u sheegayaa in ay diyaar u noqdaan Diwaangelinta cusuban iyo adeega Safaarada Soomaliyeed oo degdeg u bilaabmi doona .

Ugu dambeen Danjiraha Somaliya ee K/Africa waxuu Ilaahay ka rajeynayaa in Umadda Somaliyeed ay ka baxdo dhibaatooyinkii soo maray 21 sano ee la soo dhaafay kuna gaarto ciidan ciideedi bashbash iyo barwaaqo.

(CIID WANAAGSAN) (CIID WAAAGSAN IYO HAMBALYO) (CIID WANAAGSAN )
Sayid Sheriff
Safiirka Soomaliya ee K/afrika

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Somalia bets big on port and airport to resurrect war-wrecked economy :- Business Daily Africa
Wafti baarlamaanka Soomaaliya oo booqdey aqalka baarlamaanka Yurub
Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Prof, C/risaaq Hiirad Maxamed oo Booqday Machadka Ibnu Teymiya ee Degmda Carmo
Qof Soomaali ah oo ka dhintey K/Afrika, qarixii UNDP
Axmed Madoobe oo isbitaalka ku booqdey Raadaar