Kn: Waxaa lagu doodi karaa in cunista hilibka waraabaha ee Kismaayo laga soo sheegey ay ahayd sheekadii ugu weyneyd ee sanadkan warbaahinta Soomaalida wax ka qortey marka laga reebo doorashooyinka caasimadda ka socda.
Haddii aad shabakada Google u dirto raadinta erayga “Waraabaha” waxa uu kusoo saarayaa 18 kun oo natiijo oo ah ciwaano laga qorey bahalkan, shabakadaha lagu bulsheeyo, gaar ahaan Facebook-ga iyagu 4tii maalmood ee lasoo dhaafay wax kalaba lagagama hadlayn.
Dadka badankood sheekada waraabaha waxa ay u ahayd sheeko maad iyo qosol kulansatay, waxaa maankooda ka daadagi waayay “hilib waraabe ayaa la cunaa”, waxana dadka micno gaar ah u samaynayay waraabaha oo isaga dadka cuna in dadku isaga cunayaan, iyada oo ay jirto maahmaah Soomaaliyeed oo dhahaysa “Wixii aan ku cuninba waa la cunaa”.
Xaalada waxa ay hadda u egtahay “Wax kasta waa la cunaa”, waxaana xusid mudan in mid ka mid ah dadka arrintani aragtiyadooda ka dhiibtey ee Facebook soo galiyey in uu yiri “aniga waxaanba filayay in Soomaaliya ay kol hore ka gudubto cunista waraabaha, hadana loo gudbey cunista libaaxyada, eeyaha, dameeraha, jiirka, masaska, iyo wax kasta, waa lala soo daahay”.
Waxaa kale oo Facebook-ga ka buuxa sawirka waraabaha oo lagu dul xardhay qoraalo la leeyahay waa hadal uu isaga dhahayo iyo waliba farshaxano, waxaa ka mid ah qof soo saaray sawirka raxan waraabayaal ah oo uu leeyahay “Waraabeyaal kasoo qaxay Soomaaliya oo magangalyo qaxooti kasoo doontey xerooyinka qaxootiga Kenya”. Qormaddii tan ka horeysay waxaan ku sheegey in laga yaabo in waraabe badan uu usoo qixi doono dhanka keeymaha Kenya oo horey duurjoog badan oo Soomaaliya ka timid ay magangalyo u timid.
Waxaa kalood arkaysaa sawir qof Alshabaab loo ekeeysiiyey oo dhurwaa hortaagan ku dhahaya “akhii hilibkaaga barako ayuu leeyahay, janada ayaa lagu galaa”, dhurwaaga ayaa hadalaya oo dhahaya “xitaa anaa?, war ninyahoow aanan kala qalayno”.
Waxaan idiin soo xuley sawirkani hoos ka muuqda oo aniga si gaar ah iisoo jiitey, wuxuu ka turjumayaa dad meel kawaan ah hilib ka iibsanaya.
Ilmo kasta oo Soomaaliyeed marka ugu horeysa oo uu hadal barto, waxyaalaha ugu horeeya ee la baro in uu ka cabsado waa waraabaha, waxaanaba jirta maahmaah oranaysa “colaadda carruur iyo waraabe dhextaala, waayeelbaa dhex dhigey”, ilmaha isaga oo aanan waligiis waraabe arkin ayuu hadane u yahay cadawgiisa koowaad. Toloow hadda yaa lagu eedeyn karaa colaadda dhextaala dhurwaaga iyo dadka?.
Mid ka mid ah waxyaabaha loogu marmarsoonayo cunista hilibka waraabaha waxaa ka mid ah in lagu dhaawo jinka, tani waloow aysan ahayn arrin la tijaabiyey oo ay jiraan dad ku caafimaaday, hadane waxaa jirta oo xaqiiq ah in dhurwaaga uu yahay noolaha kaliya ee jinka arka, islamarkaasina cuna. Muddo dheer oo nolosheyda ka mid ah waxaan maqli jirey dad miyiga kasoo dhaadhacay oo ka sheekeynaya in ay arkeen meel xinjiro kaliya yaalaan oo uu waraabe jin ku cuney, iyagoo habeenkii oo dhan maqlayay qeeylo, subixiina arkay raadad aanan ahayn noolayaasha ay arliga kaga war hayaan.
Fikrad taasi aad oga duwan waxaa qaba dhaqaatiirta oo maalmihii ugu dambeysay si joogto ah saxaafadda oga hadlayay, waxay sheegeen in hilib-waraabe oo lagu caafimaado haba joogtee, in cuduro badan laga qaado, waxa ay sheegeen in dhurwaaga uu yahay noolaha kaliya ee wax kasta oo nool cuna, gaar ahaan xamaaratada sunta leh sida masaska iyo mulacyada.
Aniga waxaanba arkay dad badan oo ku duceysanaya “Alloow caloosheena calool dhurwaa ka dhig”, iyagoo ola jeeda in caloosha dhurwaaga aysan jirin wax ay qoonto ama qooma, sababtoo ah waa xayawaan dheefshiidkiisa ka duwanyahay, kana hormarsanyahay noolaha oo dhan, wax kasta oo uu cuno ma jiraan wax caloosha looga qabanayo oo uu ku xanuunsanayo.
Waligaa miyaad aragtay waraabe saaladiisa/ dhabcaantiisa (xaarkiisa)?, marka hore oo uu saxaroonayo waxa uu dhigaa dhiriq la mid ah tan xayawaanka kale, laakiin marka ay daqiiqado dhulka taalo ayay isu bedeshaa sidii nuuraddii oo kale oo noqotaa kiimiko midab cad leh oo aysan marnaba maankaaga kusoo dhacaynin in waxani ay yihiin wax ka yimid noole. Tanina waxaa sabab u ah waxa uu cuno ee calooshiisa isugu taga oo inta falgala sidii curiyeyaashii kimistiriga kadib noqda natiijada aan soo sheegey.
Waraabaha oo sidoo kale ah noolaha kaliya ee lab iyo dhedeg isla ah ama leh labada xubnood ee taranka labka iyo dhedega ayaa waxaa la yiraahdaa “waraabe hooyadiis marna wuu cunaa, marna wuu fuulaa”, tanina waa astaan kale oo uu kaga duwanyahay noolaha kale oo dhan.
Haddii ay noqoto in la ugaarsado waraabaha si caadi ah, waxaa laga fikiri karaa cawaaqib xumo ka dhalan karta, shacabka Jubbooyinka oo intooda badan hubka laga dhigey laga soo bilaabo xiligii maxaakiimta islaamiga ah ayaa waxa ay ku qasbanaan doonaan iney wax u ugaarsadaan sidii barisamaadkii ee inta xawayaanka loo gaadgaatamo lala beegsan jirey waran ama hub gacmeed kale, oo la ceersan jirey ugaartii oo dhaawac ah. Dadka laga yaabo in ay sidaasi yeelaan waxaan xusuusinayaa maahmaahda ah “Waraabe daalay, dirirtiisaa loo dhacaa”, waraabe haddii aad ceersato, oo uu daalo, inta uu istaago ayuu adiga kugu soo jeedsanayaa, waxaadna noqoneysaan labo nin oo dagaalamaya.
Sidoo kale haddii ay jiraan dad ku fikiraya in ay xanaaneystaan sida xoolaha la dhaqdo oo kale maadaamaa hilibkiisa hadda uu lacag adag joogo, iyagana waxaan xusuusinayaa maahmaahda kale ee ah “waraabe ma carbismo”. Sida aad xoolo ahaan ugu dhaqaneyso ayuu maalinka dambe caruuraha iyo aryoowga kaa cunayaa.
Marka ay halkaasi marayso, sow soo xusuusan meeysid geeraaradii ay isu mariyeen Xusseen Dhiqle iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee dhurwaaga ay isugu duurxulayeen, aniga oo hadalka idinku daaliyeyna sow markani daw iima ahan in aan xagga maansada u beero oo aan idiin soo qabto geerarada la’isugu jawaabayo. Soomaalidii hore waa ka gabyi jireen wixii fajicisa ah oo ay arkaane, toloow wax ka gabyo mala waayay arrintan?.
Xuseen Dhiqle
Dhurwaa adhiga Eebbaa leh
Eebbiyo Ustaadkaa leh
Oo niman dableyaa leh
Oo niman ku dili baa leh
Waa niman Daraawiisha
Gaaciye Mataan baa leh
Geeraarshihii baa leh
Laba Ilma Garaadaa leh
Cabdalle Suldaan baa leh
Carab galacya dheerbaa leh
Cumar Daba-gabooyaa leh
Joofey Jiriidhbaa leh
Inantii caddayd baa leh
Cawrala Dabey baa leh
Suubanoon samrayn baa leh
Samawadoo ka daranbaa leh
Yaan gamas laguu qarine
Gablamow isaga leexo.
Sayid Maxamed Cabdulle Xassan
Xeseenow aqoon xume
eraybaan ku leeyahy
Awal horre haddaad tidhi
Eebbaa adduunka leh
Eegana maxow tidhi
annagaa adhyowga leh
Inaad laba aflaysaa
ma anfici karaysaa
Ma Alloo kalaad tahay
mise waad ka adag tahay
War ma adaa ardaalyahow
arsuqayga celin kara
Adba wuu ku uumaye
ma anaan abuurrayn
Mise aniyo adigaa
Eebbe weyne kala xiga
Ayaantaan afuro helo
maxaad uga umlaysaa
Isha Gabayga: doollo.com
FG: Waa qormaddii Xuuraan oo aad muddo raagsateen.
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir
Email: saxansoxo1@hotmail.com